Musharaxa Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Kulan La Qaatay Galinkii Danbe Ee Maanta Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia,Mr. Michele Cervone D’urso.

Hargeisa(GNN):-Xisbiga Midnimada, Nabadda iyo Horumarka JSL 24 July 2016,
War-saxaafadeed:
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna
murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa
uu galinkii dambe ee maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u
qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone D’Urso oo isaga
wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku yimaadeen dalka, sidoo kalena hore
ula kulmay Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo).
Kulanka oo ka dhacay xafiiska ururka Midowga Yurub ee caasimadda
Hargeysa, waxa Guddoomiyaha KULMIYE iyo Safiirka Midowga Yurub yeesheen
wadahadal ay ku falanqeeyeen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin;
xidhiidhka mucaawimo iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya Somaliland iyo
Ururka EU-da, doorashooyinka Somaliland iyo xaaladaha xilligan ka jira
mandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu uga mahadceliyey dalalka reer Yurub
taageerada dhaqaale iyo qaadhaanka nidaamka dimuqraadiyadda ee ay
siiyaan Somaliland, taas oo uu ka codsaday inay sii wadaan. Sidoo kale,
waxa Guddoomiyuhu uga mahadnaqay safiirka oo hadda ka tagaya xilka sidii
uu ula shaqeeyey Somaliland muddadii uu hayey shaqan.
Waxa kaloo uu xog-warran ka siiyey safiirka xaaladda guud ee Somaliland,
gaar ahaan halka ay marayso diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo u
diyaargarowga doorashooyinka u qorshaysan dabayaqaada bisha March 2017.
Waxaannu Guddoomiyuhu caddeeyey in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ay
ka go’antahay in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda oo aanay
maalina dhaafin, isla markaana dhammaan waajibaadkii kaga beegnaa
diyaarintooda ay dhammaystireen, si gaar ahna doorashada Madaxtooyadu
mar walba xukuumadda iyo xisbigeeda diyaar ka tahay.
Haseyeeshee, doorashada Golaha Wakiillada ay hortaalo qabyo ka jirta
xeerkii lagu dooran lahaa mudanayaasha aqalkaasi oo aan diyaar ahayn,
taasina culayskeeda leedahay, balse hadda la wado dedaal axsaabta
Qaranku hormood u yihiin si loo suurtogeliyo in doorashada wakiilladu ku
qabsoonto waqtigeeda.
Waxa kaloo labada dhinac isla soo qaadeen xaaladdaha xilligan ee
mandaqada, gaar ahaan Geeska Afrika iyo kuwa caalamiga ah sida
nabadgalyada, siyaasadda iyo kaalinta Somaliland kaga jirto ka
wadashaqaynta ilaalinta maslaxadaha dunida iyo gobolkaba iyo ka
hortagista waxyaabaha dhibaatada ku noqon kara ammaanka.
Dhinaca kale, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo
Soomaaliya Mr. Michele Cervone D’Urso waxa uu soo dhaweeyey mowqifka
xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ee qabsoomidda doorashooyinka.
Waxa kaloo uu ballanqaaday in aanay waxba iska beddelayn mucaawimooyinka
Midowga Yurub siiyo Somaliland, isla markaana ay sii socon doonto
taageerada ay kaga qaybqaataan arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa ku wehelinayey kulanka
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi
Cumar, halka safiirkana ay la socotay kaaliyihiisa gaarka ah Eva
Atanassova.
ALLAA MAHAD LEH.
Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
_________________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyemanager@gmail.com