Natiijada Dacwadii U Dhaxaysay Faysal Iyo Jamaal Oo Maanta Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqayo.

Guddida ayaa la filayaa inay shir jaraa’id maanta kaga dhawaaqaan dacwadiii ay ka garnaqayeen ee u dhaxaysay Faysal iyo Jamaal  oo si wayn iskugu maan dhaafsan xisbiga.

Kulanka lagaga dhawaaqayo natiijada dacwada waxa si rasmi ah loogu casuumay gudoomiye Faysal iyo musharax Jamaal oola sheegay inay gudidu kusoo wargellisay inay yimaadaan.

Gudida ayaa bil iyo badh kadib maanta laga sugayaa inay shacabka usoo bandhigaan dacwadii siyaasadeed ee u horeysy ee ay ka garnaqeen.

Waxaanay dacwada labada siyaasi dhagaysteen maalin qudha o ahayd 12-June.

Shacabka ayaa si wayn isha ugu haya natiijada kasoo bix doonta guddigan taas oo saamayn ku yeelan doonta mustaqbalkooda iyo sida mar labaad lagu aamini karo.