Qoolay Qoor Qabasho, Qudhqudhin Mayso Biyaa.

Bismilaahi Alraxmaan Alrxiim.

Salaanta Islaamka Ayaan idinku soo salaamayaa,

Dhamaan bahda Gabiley.net iyo akhristayaasheeda.

S.C.W.R.W.B

Naxligu wayska qadiimade,Ku quraacda intaas.

1-Qaylada saaxil ka taagan,Wuu qaboojin karaaye,

Qarankaa leh muraad, Qorshe meel uga yaaloo,

Qabqabtoo xidhadaasi,Qilaaf weeye balaadhsi,

Qoolay qoor qabasho,Qudhqudhin mayso biyo.

2-Qastigu wayska cadaan,Qiyaastay ka wataanee,

Qas amaanka gesha,Doorasho yanay qabsoomin,

Qasabaa lagu jiidhay,Qaynuunkii yaalay dalkeena,

Qalinkii iska tuurnayoo,Qorigaa ka shaqeeya.

3-Qabyaaladaa bedeshay,Quwad loo sharciyeeyey,

Qoysqoys bay ka dhigeen,Qaab xunoo qalqalooca,

Qalayl baa laysugu xiiray,Qaydhiin kay ku liqaano,

Qarshkii soo gala meeshoo,Lagu qaybsanayaa.

4-Qarjajac bay ku wadaan,Qofkastaa dhinaciisuu,

Uqabaananayaayoo,Qaataye qaado badhkaaga,

Qaraabe kiil ku salaysan,Qaday kaan cidlahayni,

Quus bay taagan yihiin,Qayaadadii
soo halgatay.

Ismail Abdillahi Handuleh.

Ismail Handule <handule@un.org

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga