SHIR BEENAAD LAGU SHEEGAY MUSDANBEEDKA HABAR JECLO IYO CIDII SOO ABAABUSHAY

Bismillah.
Ku: Suldaanka Guud Ee Beelaha HJ Suldaan Abdilahi Suldaan Ali
Og: dhamaan Salaadiinta HJ, Caaqilada HJ, Cheaf Caaqilada HJ. Iyo guud ahaan Beesha HJ.

Waxaanu beryahaaba isha ku haynay kooxo qas wadayaala oo mashruuc Ka soo qaatay Saylici, Muuse Biixi, Iyo wasiiro beesha ah kuna hawlgelaya inay iclaamiyaan shir ay leedahay Beeshu laguna taageerayo musharixiinta Kulmiye.
Nimankaasi iyagoo aan la tashan cidna oo isku soo xidhay bar Whatsupp Ka ah mashruucaana wata kuna qaatay lacag ayaa damacoodu yahay dhawr wax.

1) raga qaarkii oo loo balanqaaday xilal. Iyo qaar war ma qabto ah oo magaca raacay
2) tartan ka dhexeeya masuuliyiinta lacagta baxshay ee Ka tirsan dawlada Iyo xisbiga oo raba inay u muujiyaan hogaanka Kulmiye inay haystaan majority gii HJ.
3) inay u tusaan Beelweynta HJ. In Kulmiye yahay Xisbigoodii muusena wax siinayo.
3) inay Ka hor tagaan Wasiirkii hore Ee Madaxtooyada si aanu beesha saamayn ugu yeelan.
4) inay iclaamiyaan shir gacan ku rimis ah oo aanay u haysan fasax. Laakiin iska beenfariimeen Suldaankii Guud. Iyagoo sheegaya inay la hadleen Suldaanka.
5) waxay magacaabeen gudi ay ugu yeedheen Guurtida HJ, iyadoo la ogsoon yahay in Beeshu leedahay Gudidaas.
Hadaba waxaanu Beeninaynaa Gudidaa isku Magacawday Musdanbeedka Habar jeclo Ama Guurtida inaanay metelin Cidna. Yihiina kooxo lagu guurayo.

Wabilaahi tawfiiq.
Gudoomiyaha Qurbajooga HJ
Maxamuud Aadan Dhunkaal

miisaan10@mail.com <miisaan10@mail.com

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga