Shirarka reeraha, shakiga dawlada iyo shaadh u xidhista ashkhaasta sheegan..W/Q Bashiir cali ismaaciil

Sida u caadada ah xukuumada manta talada haysa, waxa dhacda in shirarka reeraha ashkhaas idman ay u dirato oo ka ololeeya ama u ololeeya cidda ay jecelyihiin islamarkaana dhabar jabisa oo muquurisa murashaxa ay reerku wataan. mana aha markii koobaad iyo markii labaad ee arrimaha noocan ahi ay soo noqnoqdeen.

Shirka beesha abokor axmed oo usbuucan ba aka socday magaalada qoriyaale, shirkaas oo reerkaasi ay kaga tashanayaan mustaqbalka, iyo masiirkooda ayaa sida caadada ahayd lagu kala saaraya murashaxiinta isu taagaya barlamaanka.

Xukuumadaniminka talada haysa sidii ayadana caadada u ahayd waxay soo faragalisay habkii lagu kala saaraayay oo ay u ololaynaysaa murashax, kana ololaynaysaa murashaxa reerku rabo.

Wasiir maxamuud xaashi inta uu reeraha shirarkooda iyo shir gudoonkooda ka dhex ololaynayo waxa kaga haboon inuu shaqadiisa ku mashquulo. Waxay ku tusinaysaa xaalada ay xukuumadani ku jirto iyo sida ay kala mudnaan-ku uga qasanyahiin.
Faragalintaa madaxtooyadu siiba wasiir maxamuud xaashi ku hayo arrimaha hoose ee reeraha waxay horseedaysa kalsooni xumo iyo xisbiga xukuuumada KULMIYE in codka reero aad ugu muhiim ah uu waayo xisbigu, WADANI sidii xuunsho ayuu u eegayaa waxa ka soo baxa shirkan oo uu diyaar u yahay reer cadhyasan oo xisbigoodii aanu ixtiraamin inuu gacanta ku dhigo.

Bashiir cali ismaaciil

luckman1943@hotmail.com