Siyaasiinta Isbaheysiga Kulmiye Oo Beeniyey Iney Ku Biirayaan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Kulmiye.

Siyaasiyiinta Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka KULMIYE, ayaa beeniyay war Saxaafadda qaarkood ka soo xigteen masuul ka tirsan Xisbiga WADANI, warkaas oo lagu sheegay in Garabkaasi ku biirayaan Ciidka Soonfureed kadib Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI.

Xunaha ugu miisanka culus Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE oo la soo xidhiidhay shabakadda Wararka ee Somalilandtoday.com ayaa warkaas beeniyay, waxana xubnahaas nala soo xidhiidhay hadaladoodi kamid aha. “Warka Saxaafadda qaarkood bahiyeen ee lagu sheegay in Garabka Isbahaysiga KULMIYE ku biirayaan Xisbiga WADANI Ciidka kadib  wadahadaladiina u dhammaadeen, waa mid been ah mana jiro, mid annaga naga soo baxayna maha. ” Sidaa waxa ku tiraabay xubaha la soo xidhiidhay Somalilandtoday.com

Sidoo kale Afhayeenka Xisbiga WADANI Ibraahim Mahdi Buuba ayaa isagoo ku hadlaaya afka Xisbiga wuxuu si cad u beeniyay warka uu faafiyay masuulka Xisbigooda ka tirsani isagoo sheegay Mr. Buubaa in aanay dhamaanin wadahadaladii Xisbigu la waday xubnaha Isbahaysiga KULMIYE.

Geesta kale qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa siweyn ugu dhegtagaaya dhaq-dhaqaaqyada Siyaasyiinta Isbahaysiga KULMIYE oo miisan ku dhexleh dadku halkay ku biyo shuban doonaan Mustaqbalka.

Log11