TURKISH NILE ACADEMY MA,WAXAYNU KU BADALANAA 2 BIRIISH IYO 2 HOSPITAL MISE SIDEED WASIIR OO VISA DALXIIS KU TAGA ISTANBUL W/Q YUSUF M SH YUSUF KOOD

Haayada turkish Nile academy waa haayad laga leeyahay dalka turkeyga waxaanay ka hawlgashaa wadamada Somaliland iyo Somalia hasayeeshee qaybteedii magaalada muqdisho waxaa galaaftay inqilaabkii fashilmay ee turkiga, iyadoo dowlada somalia talaabo kaqaaday markii wuu dhamaaday inqilaabkaas,

waxaanay kusababeeyeen in dowlada turkigu amartay in laga saaro dalka Somalia sababo laxidhiidha inay gacan ka gaysteen madaxda hayadaasi inqilaabka fashilmay ee dowlada Ankara.

Hadaba dowlada Hasan Sh Mohamud ee Muqdisho waxay ku qabtaa turkeyga dan muhiim ah oo kowka- tahay dhismayaal casriya kana fulisay dowlada turkigu magaalada muqdisho Sida madaarka caalamiga ah ee Aadan Cade, Hospital-ka tukeyga ee muqdisho iyo wadooyinka waaweyn-nee” magaalada muqdisho.
Taasina waxay ku tusinaysaa xidhiidhka wanaagsan ee kadhexeeya dowladaha ankara iyo muqdisho.
Kama xumin oo waynu soo dhawaynaynaa lkn inaka somaliland-ahaan maxaa inooga meel yaala cadaadiska dowlada turkeygu ku doonayso fulinta saarista haayada Turkish Nile Academy of somaliland.
Hada kahor waxaa saxaafada lahadlay wasiirka A. Dibada somaliland oo sheegay inay haayadàasi dalka ku joogto qawaaniin caalamiya sharciga somaliland-na waafaqsan,
sidoo kalena waxaa saxaafada lahadlay qunsulka hargeisa u fadhiya safiirka safaarada turkeygu kuleeyahay Muqdisho kaasoo sheegay in Somaliland kasaarto wadankeeda haayada Turkish Nile Academy Of Somaliland danta Somaliland ugu jirtana kusheegay in Passportka Somaliland la,qorshayndoono in lagu imankaro dowlada fadhigeedu yahay Ankaara hadii somaliland fuliso kasaarista haayadaasi ee dalkeeda.

Hadaba maxaa faaido uugu jirta Somaliland hadii ay fulifso danta turkeygu ka leeyahay arintan:-

(Is my opinion)Anigu rayigayga waxay ilatahay in aan arintan lagu dag dagin waayo faaido kuma jirto passport kaliya oo wadan lagu aado waa document joogsankara xiliga dantu dhamaato waana xaalad kaduwan citiraafka aan baadigoobka uugu jirno.

Sidoo kale waa aafo sahlaysa tahriibka, waana xaalad bulshada ku adag in safar caafimaad loogu tago turkeyga ayadoo ay kawanaagsan tahay xidhiidh waxqabad oo dhexmara Somaliland iyo turkiga raadmuuqdana kaga taga dadka iyo dalkaba, waana in fursadaan looga badashaa masalan in laba hospital oo (standard) caalamiya leh laga hirgaliyo wadanka gudihiisa loogana raysto safarada dhaa-dheer ee dhaqaalahooda xanbaarsan in loogu tago turkiga iyadoo aanay dadkeenu wada awoodikarin.

Sidoo kale ugu yaraan laba biriish oo waaweyn ayka hirgaliyaan Somaliland iyakuna waa (important) waxaanan aaminsanahay inay tahay faaidada kaliya ee kafiican danta yar ee turkigu ka dhawaajiyay, inagoo ogsoon turkigu halka uu ka taagan yahay qadiyada somaliland.

Su,aasha iswaydiinta leh wax weeyi mashruucan fulintiisa kalsooni intee leeg baa lagu qabi karaa inuu fuliso dowlada turkishku iyadoo eex badani jirtay dhanka dhigeena Somalia

Anigu waxaan isleeyahay fursadan waxaa looga faaidaysan karaa in mashruucaasi fulinteeda lagu xidho hatidii ku bixilahayd iyo fulinta mashruucaasi inta ay taagantahay danta turkigu kaleeyahay arintan maadaamoo kalsooni badan aan lisku qabin Waayo hadii deg deg loogu fuliyo danta turkishku rabto mashruuceenaasi waa biyo kama dhibqaan.

Guntii iyo gabagabadii waxaan fariin udiyrayaa dowlada Somaliland ee madaxweynaha kayahay Ahmed M. Mohamud Siilanyo

Mudane madaxweyne Maha arintani mid sahlan waxaanad ka dhawaajiseen in Turkish Nile Academy ay wadanka ku joogto qawaaniin caalamiya iyo sharciyada wadanka udajisan oo ay buuxiyeen.

Markaad go,aan ka duwan qaadaysid arimahan noocani waxay ubaahantahay in aad ka fiirsato hadii balan qaad laguu sameeyo aadku jabinayso sharciga wadankaaga uyaala hanoqdo mid aad mariseen haayadaha sharciga ee wadanka uyaala idinkoo ku soo oogaya danbi caalamiya in lagu haysto kaasoo ah mijo-xabin dowlad taagan oo nabdoon.

Waxaanan kadigayaa inay-daan (case)kan siisan dhowr wasiir oo visa dalxiis ku taga turkeyga arintan waa masiirkii shacabka iyo masuuliyad siyaasadeed oo idinka saaran dalka.

waxaana lidinku-yaqaanaa degdeg aan damaclahayn iyo dalxiis joogto ah.

Wabillahi tawfiiq

Qalinkii walaalkaa Yusuf Mohamud Sh Yusuf (Kood)

Address on Facebook yusuf mohamoud kood

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga