Waa Nasiib Daro.

Waa nasiibdaro, in madaxwaynaha arinkaa xisbiyadu ku riixaan , waxaase u malaynayaa in sidii riyaale ay rabaan in uu dulmi ku sameeyo reerkiisa, waayo markaa riyaale

7/28/2016

Waxaa waxa lagu qosla ah in manta xisbiyadii qaranku ay garanwaayaan saamig barlamaanka, oo ay u riixaan dhinaca madaxwaynaha, waxaase iswaydiin lehe hora barlamaanka ma qabiil baa ku tartama? Mise xisbiyaa ku tartama? Su aa shaa jawaabteedu waa xisbiyaa ku tartama barlamaanka iygaana saamiga kala qaata .oo ku kal bata. Kii tirade badan helaana  qorshayaashiisu barlamaanka si toos ah ayey uga socdaan .

Waxaase iswaydiin leh, caalamka ma ka midnahay, mise kama mid nahin? Jawaabtu waa ka mid baynu nahay. Markaa sida ay u dhaqmaan barlamaanka caalamku waa in aynu u dhaqanaa sida caalamka .oo barlamaankeenu  uu meesha ka saaraa , qudhunkan ay nu walaaqanayno

ee qabyaalada ku dhisan,  oo xisbiyadu barlamaanka ku tartamaan.sida caalamka, ,

Waa nasiibdaro, in madaxwaynaha  arinkaa xisbiyadu ku riixaan , waxaase u malaynayaa in sidii riyaale ay rabaan  in uu dulmi ku sameeyo reerkiisa, waayo markaa riyaale gudoomiye xisbi iyo madaxwayne ayuu ahaa oo dooda ayuu ku jiray  .laakiin maanta madaxwaynahu   gudoomiye xisbi ma aha.oo arinkaas wuu ka madax banana yahay,

Mise waxay leeyahiin  ha inoo  dhaafo si degdeg ah , laakin arinkani waa arin qaran oo hoostiina yaala hadii xisbiyadii qaranka tahiin,

Hadii ay xisbiyadu garwaayaan  qaybsiga saamiga oo haku tartamaan amaba si kale ha yelaane , madaxwaynahu ,waa in uu guurtiga  u gudbiyaa iyagaa walaaqi garanaya qabiiladee   , waayo , waxa uu arinku u eeg  yahay  in xisbiyadu rabaan in ay eeda saaraan madaxwaynaha,

Waxaanad moodaa xisbiyada in ay u muuqato uun sidii  kursiga  odayga uga sii tukhaatukhin lahaayeen. Ee aanay arkaynin arinkan dhabta u saran ee ah qaranimadii Somaliland khuseeya aanay u muuqan, waxaan leeyahay waad fashilinteen,

Waxaase ka sii daran labada haydadood ,oo iyaguna yidhi ,go aanka madaxwaynaha ayaanu ku ilaalinaynaa, markaa waxaa cad in aanay waxbaba dhaamin xisbiyada, waxaanay ku gafeen dimuqraadiyadii, .waxayna dhiiri galiyeen  qabyaaladii ,

 

Gabo gabadii

Madaxwayne ma ragas baad dalka kaga tegi sidaas fikirkoodii iyo doodoodii noqotay, laba garay hadii aad gudoomiye xisbiga kulmiye aad ahaan lahayd ,oo go aan uun baad gaadhi lahayd, arinkan iyagaa xaq u leh.

Xisbiyada waxaan leeyahay madaxwaynu marka waqtigiisa  la gaadho wuu tegiye, arinka xalkiisa keena , hadii kale madaxwayne kasta oo Somaliland waxa uu noqondoonaa arin uyaala, markaa iminka xal kiisa keena,

 

By,khadar adam aw muuse