WAR DEG DEG AH:-SADEX CARUUR AH OO KU NAF WAAYEY AABAHOOD OO GURIGII KU GUBAY IYO ODAYGII OO DHAAWAC CULUSI SOO GAADHAY

HARGAYSA(GNN)warar deg deg ah oo soo gaadhay xafiiska wararka Shabakada Gabiley News Network ee magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in sadex caruur ah iyo aabahood ay ku gubteen guri ku yaala magaalada Hargeysa. guriga falku ka dhacay oo ku yaala xaafada idaacada ee magaalada Hargeysa ayey wararku sheegayaan inuu gubtay ka dib markii uu aabaha dhalay caruurtaasi uu gubay guriga, kaas oo la sheegay inay ku kaliftay dhibaato dhinaca qoyska ah oo haysatay.OIIIIII

mid ka mid ah dadka goob joogayaasha ka ahaa markii uu gurigaasi gubtay ayaa baligubadlemedia u xaqiijiyey in aabaha dhalay caruurta gurigu ku gubtay uu sabab u ahaa gubitaanka guriga, isla markaana ay ku dhibteen sadexdii caruurta ahaa halka aabihii dhalayna uu halis ku jiro.

dhinaca kale mid ka mid ah dhakhaatiirta ka hawl gala cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa xaqiijjiyey inay dhinteen sadexda caruurta ahi halka uu dhaawac culus la il daran yahay aabahood oo sabab u ahaa inuu gurigii ay ku jireen ku gubto.