War Deg-Dega- Dablay Hubaysan Oo Caawa Fiidkii Rasaas Ku Furay Gudoomiyihii Shirkada Telesom Ee Gobolka Sool.

Laascaanood(GNN):-Wararka Ka Imanaya Gobolka Sool Gaar ahaan Magaalo Madaxda Gobolkaasi Ee Laascaanood Ayaa Sheegaya in Cabdirisaaq Axmed Warsame “Dhabayaco” Gudoomiyihii Telesom Ee Magaalada Laascaanood Oo Hada La Toogtay Kaasi oo Dhaawac Halis Ahi Kasoo Gaadhay Rasaas Ooda Lagaga Qaaday
Gudoomiyaha Ayaa ilaa laba saacadood ka hor La toogtay Isagoo ku sugan Afaafka Hore ee Xafiiska Xarunta Shirkada Telesom ku leedahahy Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool
Cabirisaaq Dhabayaco Waxaa Loo soo qaaday Magaalada HArgaysa oo la filayo in lagu Dabiibo Xaaladiisa Caafimaad,Waxaana dhaawac Halis Ahi Kasoo Gaadhay Madaxa oo Ay Rasaas kaga Fureen kooxdaasi Dableyda ah ee soo weerartay, Kala Soco Shabakada Gabiley News Wixii Faahfaahin Kasoo Kordha Warkaasi.