War degdeg ah: 80 Ruux oo nafwaayay, 18 kale oo xaalad adag ku jira iyo dhimashada 7 caruur ah dalka France

Nice (Gabiley.net) Magaalada xeebta ah ee Nice ee dalka Faransiiska ee xigta dhinaca badda Mediterranean ayaa waxa xalay 11 habeenimo ka dhacay in nin aan wali la aqoonsan uu soo kaxaystay gaadhi weyn (Lorry) kuna soo dhaqaajiyey xawaare xoog ah muddo 2km ah uu dhexda u soo galiyey dad isku soo baxay oo u daawasho tegay xaflad caan ah ka ha Faransiiska dadkuna fasax galaan July 14 sanad kasta oo la yidhaahdo Bastille day. Dirawalkii gaadhigaa weyn ayay Police-ku markii danbe toogasho ku dileen.

Wadanka Faransiiska oo ku jiray xaalad degdeg ah tan iyo sidii loo weeraray sanadkii hore ayaa waxay wajigabax ku noqonaysaa Police-ka iyo Milatariga France dhacdadani, isla xalayna waxa madaxweynaha Faransiisku ku kordhiyey xaaladii degdeg ahayd ee wadanku ku jiray muddo 3 bilood ah.

Wali ma jirto cid sheegatay dhacdadan oo ka danbaysay, in kasta oo Warbaahinta France sheegayaan inuu uu ahaa nin Faransiis ah ah, asal ahaana ka soo jeeda Tunisiya sida ay sheegayaan in laga helay waraaqo uu leeyahay gaadhiga.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in gaadhiga laga helay qoryo iyo waxyaalaha Qarxa.

Kala soco Gabiley.net wixii soo kordha.