Wasiirka Warshadaha Shacayb Maxamed Muuse Oo Fara Gelin Qaawan Ku Haya Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Wajaale..W/Q Khadar Cabdilaahi

Wasiirka wasaarada warshadaha shacayb maxamed muuse oo faragalin qaawan ku haya shaqaalaha dawlada hoose ee dagmada wajaale . dhawaan uunbay ahayd markii maamulka dawlada hoose ee wajaale ay xika ka qadeen agaasimihii waaxda maaliyada dawlada hoose ee dagmada wajaale maxamed maxamuud oo ku magac dheer xaadbiye . hadaba xika qaaditaasi kadib waxa isa soo taraya wararka sheegaya in uu xika qaadistaasi uu ka cadhooday wasiirka wasaarada warshadaha shacayb maxamed muuse isaga oo isla markiiba kala soo xidhiidhay maamulka dagmada wajaale isaga oo cadaadis xooga saaray sidii ay xil ugu magacaabi lahaayeen . hadaba warar xogagaala oo aanu helnay ayaa sheegaya in isla markiiba ay maamulka dagmadu aqbaleen cadaadiskaasi. Dhinaca kale waxa layaab ku noqotay shacabka dagmada in nin hore uugu fashilmay waaxda maaliyada oo aqoon lahayn hadana uu ka dhiidhiyo wasiir dhani isaga oo ka xun in inadeerkii xilka laga qaado.

Dhinaca kale agaasimaha waaxda cashuuraha ee dagmada wajaale oo mudo dheer la soo shaqeeyay maamuladii soo maray dagmada wajaale oo khibrad iyo aqoon ule dhinaca dakhliga iyo wax soo saarka ayaa hadana lasheegayaa in ladul keenay masuul hore ugu fashilmay waaxda maaliyada ee dagmada wajaale taasi oo la doonayo in lagu curyaamiyo habsimi u socodka dakhliga dagmada .

Waxa xusuus mudan in miisaaniyada ay inta badan ku faanaan maamulka dagmadu uu soo xereeyo agaasimaha waaxda cashuuraha ee degmada wajaale balse rag ka xun aqoonta iyo xifrada uu u leeyahay sidii wax loo soo saari lahaa ayaa ugu talagalay in cashuurta ka soo xeroota degmadu ay inta badan ay ku dhacdo jeeb cid gaarii leedahay oo aan doonayn sidii dakhliga loo gordhinlahaa waxana makhraati kaaga dhigaysa in masuul hore loogu eedeyay musuqmaasuq oo xilka laga xayuubiyay la duldhigo masuul inta badan shaqadiisa ka adag .

Dhinaca kale waxa wax lalayaabo ah in wasiir dhan oo xukumada ka tirsani uu ka dhiidhiyo sidee inadeerkay xilka looga qadaa waa waxyaalaha ay ilaa imika is waydiinayaan shacabka ku dhaqani degmada wajaale . hadaba wasiir shacayb oo hore loogu xaman jiray qabyaalada ayaa isagu kala garnla in uu masuul kayahay wasaarada iyo dawlada hoose ee degmada wajaale isaga oo inta badan faragalinqaawan ku haya maamulka degmada wajaale .
W/Q KHADAR CABDILAAHI
Cige@ gmail . com

Wajaale somaliland

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga