Waxaan Xukumada ku Canbaraynayaa Xadhiga ay u gaysatay Qaarka mida dadweynaha Tulada Lafaruug iyoGuud ahaan Gobolka saaxil

Waxaan Xukumada ku Canbaraynayaa Xadhiga ay u gaysatay Qaarka mida dadweynaha Tulada Lafaruug iyoGuud ahaan Gobolka saaxil . Oo dareenkooda si samli ah u soo bandhigay . xukumaduu waa in ay degdeg u soo daysaa haddii kale waxii halkaa ka dhaca yidaa ka masuula .

Dee ilmaadeerayaal ma waxaynu maraynaa maqaarkuba waxa uu u dhaamaa Hasha ilma la’ aanta? Madaxweyne tabashada saaxil wado xal u noqon mayso iyo kala jabin
haddii madaxweynaha caafimaadkiisu wanaagsanyahay muxuu dadkiisan reer Saaxil ee tabashada qaba uu ula xaajoon waayey oo uu Hore ugu socon waayey Magaala madaxda G/saaxil oo uu waxgaradka iyo aqoonyahanka iyo guud ahaa ba Bulshadiisan tabashada qabta uu u qancin waayey.
halkee lagu arkay madaxweyne yimaada dhan ka soo gala Gobol ka mida dawladiisa oo mudaharaado tabasho aan xadlahayni ka jirto oo hadan ka soo noqda?
waxaan leeyahay Xukumadan liitata ee Kulmiye Dadka usha iyo deerkeeda ah ee reer Saaxil ku kala jabi maayaan Wado waajibkiina ahayd oo Qaybka mida aad dhigtaan Xalna noqonmayso, Dalkan iyo Dadkan aad daayacdeena waa laydin xisaabindoonaa.
Sidoo kalena dadweynaha dhamaan gobolka uga xidhan hawlo la xidhiidha mudaharaada oo samiga ah waan canbaaraynayaa.

Aqoonyahan: Ismaaciil C/Laahi Cilmi{Dheeg}

Xoghaya Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga