Waxqabad Iyo Horumar Kasta Oo Shacabkani U Baahnaa Waxa Uu Ka Socon Kari Waayaa Kooxo Dano Gaar Ah Leh

Ma jecli inaan ka hordhaco qiimaha iyo muuqaalkooda guud ba laakin waxa aan jeclahay inaan Bulshada u soo bandhigo markasta oo himilada dadka
Dhawaan hadii ilaahay idmo waxa wasaarada waxbarashada somaliland oo ay iskaashanayaan shirkada local ah oo la yidhaa HEMA BOOKS soo saari doonaan buugaag loogu talo galay Dusiyada sare iyo Hoose Dhexe ee Dalka kuwaas oo aad u tayo sareeya oo ay sameeyeen Khubaro reer somaliland ah. waxa lagu saleeyay manhajka cusub ee dhawaan Dib loo naaqishay. dhamaman gobolada dalka waa la gaadhsiindoonaa waxana lagu heli doonaa qiime aad u jaban oo dadka danyarta ahi Awoodi doonaan.
Ma jecli inaan ka hordhaco qiimaha iyo muuqaalkooda guud ba laakin waxa aan jeclahay inaan Bulshada u soo bandhigo markasta oo himilada dadka la xaqiijinayo inay jiraan dano kooxo gaara oo
ka soo horjeedsada danta Guud oo meel marsadana danahooda gaarka ah.
waxaa cadayn kugu filan dhamaan dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa shiray maalin dhawayd waxa ay go’aan ku soo saraan 7 qodob oo hal qodob oo ka mid ah ayay ku shegeen sidan:
“MA OGOLAANAYNO IN LA HIRGALIYO MANHAJKA CUSUB IYO BUUGTA CUSUB MAADAAMA OO AAN NALAGALA TASHAN SIYAASADA IYO MANHAJKA DALKA”
waxa ay sicad oo hanjabaadi ku jirto u hor istaageen wareegto wasiir oo la shaaciyay. waxa go’aankaa ku dhawaaqay dalad ay ku midoobeen dugsiyada gaarka loo leeyahay oo doortay gudoomiye iyo ku xigeen.Ma xuma in ururada bulsahada la sameeyo oo inta isku danaha ahba iskaashadaan. waxaynu wada ogsoonahay in dalka xukumadi ka jirto, ma nihin sida muqdisho oo kale oo dalado waxbarashada maamulaan.Wasaarada ayaa xaq u leh maamulida iyo hagida waxbarsahada dalka. qofna daah kama saarna in dugsiyada private ka ahi kaalin wacan kaga jiraan horumarka waxbarsho ee dalka laakin aniga fikirkayga xaq uma laha in lagala tashado masiirka waxbarasho ee dalka.waxa kale oo aan cidna ka qarsoonayn in dhamaan dugsiyadaasi private ka ahi ay leeyihiin Madbacado oo buugaag u gaara oo ay ka iibiyaan ardayda bilowga sanad dugsiyeedka, halkaasna waxa ka soo gala qarash aad u badan oo aanay rabin inuu seego sanadkan. Waxa qoraal bug ugaara waday tiro badan oo dugsiyadaas ah.

Dugsiyadaasi waa meherado ganacsi oo u furan dadka inta wax haysata ee dhaqalaha lagu dhigto iska bixinkara. ma awoodo ilmaha waalidka danyarta ahi buugtaa lagu iibiyo dugsiyada private ka ah.

Qormadan yare e koobani maaha mid aan cid gaar ah ku weerarayo ama ku diidanahay, waxa igu kalifay inaan la wadaago bulshada kolba halka uu marayo horumarka waxbarasho ee dalku.
Hadafka kowaad ee wasaaradu waxbarashadu u gashay hawshan waxa uu ahaa in dhamaan ubadkeenu si siman oo qiima jaban u helaan Agab waxbarasho oo tayo leh. Kharashka hawshan aad u balaadhan waxa bixiyay Madaxwaynaha JSL Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Ilaahay haka abaalmariyo waxa uu horumar ka sameeyay dalka intuu xilka hayay.

1. HADABA MA WAXA AYNU U DANAYNAA UBADKA WAALIDKA DANYARTA AH EE AAN AWOODIN AGABKA WAXBARASHO EE GANACSIGA AH EE DUGSIYADA PRIVATE KA AH HAYAAN? 2. MISE WAXA AYNU TAGEERNAA FAA’IIDADA DHAQAALE EE DUGISYADA GAARKA AH?
W/Q Hamse Ibrahim
*********************************************************************
Gabiley.Net marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.Net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga