XILDHIBAANNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MADAXWEYNE SIILAANYO KA DIFAACAY EEDO UGU YIMID XISBIGA WADDANI.

Hargaysa(GNN)Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay eedo ay madaxweyne Siilaanyo u jeediyeen laba xildhibaan oo ay ka wada tirsan yihiin aqalka Wakiiladda oo kala ah xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan-xoog”.

Labadan xildhibaan ee u jawaabay labada mudane ee ay golaha ka wada tirsan yihiin oo kala ahaa xildhibaan Siciid Cartan Cismaan iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo shalay xarunta golaha Wakiiladda ee magaaladda Hargaysa ugu waramayay wargeyska DAWAN, waxay sheegeen in aanu madaxweyne Siilaanyo wax eed ah ku lahayn saami-qaybsiga kuraasta goboladda ee golaha Wakiiladda.

Waxaanay tilmaameen in madaxweynuhu uu xaq u leeyahay in tallo qaran laga gaadho saami-qaybsiga kuraasta goboladda ee xildhibaanadda golaha Wakiilada doorashadda soo socota. isla markaana uu madxweynuhu fuliyay waajibaadkii kaga beegnaa in doorashooyinku ay wakhtigoodda ku qabsoomaan.

Siciid Cartan Cismaan, ayaa ku tilmaamay xildhibaanadda arrintaasi madaxweynaha ku eedeeyay in ay Qudcur gudayaan, isla markaanna aanay fahamsanayn shruucda arrimaha saami-qaybsiga ku saabsan. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Saami-qaybsiga madaxweynuhu ka soo saaray in tallo qaran laga yeesho, madaxweynuhu eedaa loo jeediyay malaha, mana qabo. Wixii waajibaad ah ee isaga ku xidhnaana wuu fuliyay madaxweynuhu. Hase yeeshee waxaan arkayaa xildhibaano ka soo jeeda xisbiga WADDANI oo ku meeraysanaya, oo leh madaxweynaha ayaa eedaa iska leh, taasina mid ay wax ka jiraan ma aha, qudcur ayaanay gudayaan xildhibaanadaasi.

Fikirkaasina waa mid aan macquul ahayn, oo wax jira aan ahayn. .saami-qaybsigu waa arrin qaran, waa arrin u baahan in laga wada tashado, taladiisiina waa loo fadhiyaa, in madaxweynaha qaranka lagu eedeeyaana waa meel ka dhac, xal-na waa laga gaadhi doonaa saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiiladda”.

Sidoo kale xildhibaan Siciid Cartan, ayaa ugu baaqay masuuliyiinta xisbiga WADDANI gaar ahaana guddoomiyaha xisbigaasi in C/raxmaan Cirro in aanu ku meeraysan golaha Wakiiladda, balse looga baahan yahay in uu u ban-baxo siyaasadda xisbigiisa.

“Waxaan leeyahay qolada WADDANI ee ku meeraysanaysa madaxweynaha ayaa eeda leh, anaga musharaxayagu waa Muuse Biixi Cabdi, ee musharixiinu ayaanu waxba dabadda soo gelin golaha Wakiiladda, ee banaanka ha ugu baxo, Cabdiraxmaan Cirro. Muuse Biixi, waa kaa banaanka u taagan ee waxba xaska dabadda ha gelin golaha ayaan leeyahay”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cartan.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo isna ka jawaabayay eedaha ay madaxweyne Siilaanyo u jeediyeen xildhibaanadda ka tirsan xisbiga WADDANI, waxaanu eedahaasi ku tilmaamay in aanu madaxweynuhu wax eed ah ku lahayn arrinta saami-qaysiga kuraasta golaha Wakiilada.

Waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay xildhibaanadda WADDANI ee leh madaxweynaha ayaa eedaas leh, madaxweynuhu ma leh. waxaanu hore u yidhi madaxweynuhu maalin qudha la iigu dari maayo, mana ogola. Laakiin haddii beelaha darafyadu soo cawdeen, xaq buu madaxweynuhu u leeyahay in uu yidhaahdo talo qaran halaga gaadho saami-qaybsiga.

Lagumana canbaarayn karo. Waxaan leeyahay iyaga ayaa dib u dhigaya doorashooyinka, haddii aanu nahay KULMIYE maalin in na loogu darro ma rabno. Waxa kale oo aan leeyahay qolada xisbiga WADDANI wadanka qalaan-qal iyo buuq hanaga gelinina”.

Waxaanu intaasi ku daray “Qaadhaan bixiyeyaashana waxaan leeyahay nagu gumaysan maysaan lacagta aad ku bixisaan doorashooyinka, xukuumadda ayaana labo meelood bixisa lacagta ku baxda doorashooyinka Somaliland. Haddii ay hagaagi waydo doorashada golaha Wakiiladu ta madaxtooyada-na dib haloo dhigo, bal cirka halaga soo hindhisee, wixii wadanka u dan ah ayaan doonaynaa” ayuu yidhi xildhibaan Nacnac.

Gabiley.net
Gabiley office