XISBIGA DIMUQRAADDIGA OO SI RASMIYA UGU MAGACABEY HILLARY CLINTON MUSHARAXOODA DOORASHADA

washiton(GNN)Xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa si rasmi ah u magacaabay in xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton ay noqoto musharaxa madaxtinnimo ee xisbigaasi u matali doona doorashada madaxtinnimo ee sanadkan ka dhici doonta Mareykanka.

Iyadoo la muujinaayay midnimo xooggan oo xisbiga dhexdiisa ah, ayaa fiidkii Talaadada, waxa senator-ka Vermont Bernie Sanders, oo Hillary kula tartamey doorashada xisbiga dhexdiisa aheyd,waxa uu ka sheegay shirka in uu jeclaan lahaa in nidaamka la marayo marka la magacaabayo musharaxa la joojiyo oo si toos ah Hillary loo magacaabo.

Waxay aheyd taageero lamid ah tii ay Clinton sameysay 8 sano ka hor markii ay mikrafoonka ku soo dhawaatay si ay u ayiddo taageerana ugu muujiso Barack Obama oo tartankii is reereebka kaga soo adkaaday xisibiga dhexdiisa.

Seygeeda Bill Clinton, ayaa sidoo kale madasha ka hadlay, isagoo sheegay sababaha ay tahay in Hillary bisha November ee soo socota loogu codeeyo inay noqoto madaxweynaha Mareykanka.

sourec VOA