Amaanka Caasimada Hargeysa Iyo Gobolada Somaliland Qaar Kamida Oo Xalay Aad Loo Adkeeyey Iyo Ciidamo Tiro Badan Oo Lasoo Dhoobay Jidadka Caasimada

Hargeysa(GNN)August.2,2016-Waxa xalay aad loo adkeeyey amaanka caasimada hargeysa iyo gobolada Somaliland qaar kamida.

Waxaana xalay fiidkii jidadka caasimada lagu arkayay ciidamo tiro badan oo taagan wadooyinka isla markaana si aada u baadhaya gawaadhida iyaga oo sidoo kale ciidamadani ay gawaadhida ka jar-jarayeen bacda madow ee lagu xidho gaadiidka ee loo yaqaano beersoosha.

Waxaaan ciidamadani ay wadooyinka taagnaayeen ilaa salaadii subax ee saaka.

Dhanka kale wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Berbera iyo Burco ayaa sheegaya in sidoo kale aad loo adkeeyey amaanka magaaloyinkaasi iyaga oo sidoo kale ciidamo tiro badan lasoo dhobay wadooyinka, waxaanay iyaguna baadhayeen gawaadhida wallow ay wararku sheegayaan in ciidamo aad u tiro badan lagu daadiyay magaalada berbera oo iyadu mudooyinkii u danbeeyey xaalad kacsanaan ah ku jirtay, waxaana naloo sheegay in ciidamadani macal ay baadhayeen wadaha gaadhiga.

Ilaa hada lama garanayo sababta dhalisay in ciidamadu xalay aad u adkeeyaan amaanka magaalooyinka laakin arinkan aaya iska ah mid ay ciidamadu ku adkaynayaan heegana ugu jiraan sidii ay u ilaalin lahaayeen nabad galiyada shacabkooda iyo dalkoodaba.

Log11