Aradayda Dugsiga Sare Ee Qalax oo Mudaharaad Balaadhan Ka dhigay Dugsiga Sare Ee Qalax ee Secondary School

Gabiley (GNN)Aradayda Dugsiga Sare Ee Qalax Gaar Ahaana Ardayda Fasalka 4 aad Ee Dugsiga Sare Ee Qalax Secondary School Ayaa Maanta Mudaharaad Ka dhigay Dugsiga Sare Ee Qalax .
Ujeedada Mudaharaadka Ardaydaasi ayaa Ahaa Kadib Markii ay Ka Biya Diideen Maamulaha Dugsiga Sare Ee Qalax Maxamed Maxamuud Aw saleeban (Mr Aws) Uu Shaqada Macalinimo Uu Ka Joojiyay Macalin C/Raxmaan maxamed Xasan Faahiye (C/raxmaan Baas) Oo Kamid ah Macalimiinta Faro Ku Tiriska ah Ee Waxka dhiga Dugsigaasi Qalax .

Arintaasi Shaqada Lagaga Fadhiisiyay Macalinkani Ayaa Ka Dhalatay Kadib Markii Uu
maamulaha Dugsiga Sare Ee Qalax Secondary School Maxamed Maxamuud Aw saleeban Iyo Maamulaha Dugisa Cigaal PRIMARY School Cabdiwahaab Jaamac Cumar ay Furteen Dugsi Sare oo Bareefada islamarkana Loogu Magacdaray Cigaal Secondary School Oo Ay Gaar U Leeyihiin Taasi oo ay Ku Heshiiyen In Ay Uruursadaan Macalimiibta Tayada Leh Ee Wax Kadhiga Dugsiga Sare Ee Qalax Secondary School Si Ay Macalimiin Uga Noqdaan Cigaal Secondary School Islamarkaasina Dugsigoodu Noqdo Mid Ka Tayo Badan Dhinaca Waxbarashada Dugsiyada Dawliga Ah ee Ka Jira Magalada Gabiley .

Maamulaha Dugsiga Dugsiga Qalax Secondary School Maxamed Saleebaan Aws Ayaa Ka Codsaday Macalin C/Raxmaan maxamed Xasan Faahiye (C/raxmaan Baas)
inuu Soo Gaabiyo Xiisada Waxbarasho Ee Suugaanta Uu Dugsiga Ka Dhigo Macalin (C/raxmaan Baas) Iyadoo Uu Damiirkisu Siinwayay Macalin (C/raxmaan Baas) In uu Hagrado Tabinta Casharka Uu Barayo Ardaydiisa Waxanu Sicad Uga Biya Diiday Codsiga Uga Yimid Maamulaha Dugsiga Qalax (waa Awse)
Sidokale Ilo Xog Ogaal ah Ayaa sheegay in Maamulaha Dugsiga Dugsiga Qalax Secondary School Maxamed Saleebaan Aws Uu Ka Codsaday Macalin C/Raxmaan maxamed Xasan Faahiye (C/raxmaan Baas) in Uu Ka Tago Dugsiga Qalax islamrkana Ka mid Noqdo Macalimiinta Dugsiga Cusub Ee Cigaal Secondary School oo Ka Mushahar Fiican Dugsiga Dawliga Ah ee Qalax Balse Taasina Macalin C/raxmaan Baas Ayaa Si Cad U Diiday In Uu W ax Ka Dhugo Dugsigaasi Cusub Waxayna Arimahaasi is Xanbaarsani Sabab U Noqdeen In Uu Shaqdii Macalinimo lagaga Fadhiisiyo Macalin C/Raxmaan maxamed Xasan Faahiye (C/raxmaan Baas)

Waxayna Ardayda Dugsiga Sare ee Qalax Ay Si Wayn Uga Gadoodeen Arintasi islamrkana Sheegay in Macalinkani Ka Mid Yahay Macalimiinta Faro Ku Tiriska Ah ee Wax Ka Dhiga Dugsiga Qalax Taasina Ay Marnaba Yeelayn in Laga Joojiyo Shaqada Waxyna Wasiirka Wax Wasarada Waxbarashada Ka Codsadeen inuu Soo Faro Galiyo Arintani Hadii Kale Ay Ka Dhalankaraan Dhibaatooyin aan La Mahadin.

Waxa kale oo xusid mudan in maamulaha dugsiga Qallax ee Aws dhabarjabka iyo dhicidda ardayda ee xad dhaafftay sababteeda lahaa. ka dib markii uu hal fasal oo dhan oo ardayda Artska ah ka eryay dugssiga markii ay ogolaan waayeen in fasalladooda oo ahaa labo fasal oo buuxbuuxa uu isugu geeyo hal fasal. isaga oo uga dan lahaa in uu meeleeyo arday Science ah oo la kala saaray.
Dhaliilaha Kale Ee Jira Ayaa Ah inaanu maamulaha dugsigu (waa Awse) aanu xilba iska saarin ilaalinta tayada ardayda, wax kabis ahna aanu weligii u qalqaalin ardaydaas xilliga ay ku jiraan form 4.
Maaha Intaasi Oo Kaliya Xaaladaha Adag Ee Ka Jira Dugsiga Sare Ee Qallax Balse waxa kale oo ka sii daran in maamulahan oo aan in muddo ah ka soo xaadirin compasska dugsiga siiba inta uu yeeshay baabuurka dugsiga qalax 2 oo uu u madax bannaanaaday, taasina waxay dhalisay inaanu haba yaraatee ardayda 4 ka ah dabagal iyo la xisaabtan ba ku samayn.

iyadoo waxaasoo dhami jiraan ayaa haddana wasaaradda waxbarashadu fursad u siisay inuu ka mid noqdo superfissorada imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada sideedaad soo qaado weliba aan hore u soo sheegnay inuu ardaydaas kujiraan kuwii dugsigiisa gaarka ah ka soo baxay
arrintaasi miyaanay caqabad iyo dhabar jab ku ahayn dugsiyada waaweyn ee dawliga ah ee la tartamaya dugsi imtixaanka uu sido maamulahoodii

 

Iskusoo Wada Duubo Soo Afbaxaya In  Xaalada Guracan Ee Kajirta Dugsiga Sare Ee Qalax Secondary School  In Uu Sabab U Yahay Maamulaha Dugsigasi Qalax Maxamed Saleebaan Aws Oo Loo Aanaynayo Inuu Sababay Baabinta Iyo Dhicista Ardaydii Ugu Tirada Badnayd Ee Daadatay imtaaxanaadka Shahaadiga ah Ee Dugsigasi 

Gabiley .Net

Office Hargaysa