Badhaadhihii Raila Odinga,Cadhada Maamulka Muqdisho Iyo Aamusnaanta Somaliland

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ugu wayn dalka Kenya ee CORD horena uga noqday raysal wasaare dalkaasi Raila Odinga oo todobaadkana fagaare caalami  ah ka cadeeyey inuu taageersan yahay aqoonsi ay hesho Somaliland ayaa dagaal afka ah iyo aflagaadooyin kala kulmay muqdisho iyo taageerayaashooda, kuwaasi oo ka cadhooday hadalka Raila Odinga ee uu ku garab istaagay qadiyadda Somaliland.

Kooxo abaabulsan oo ka tirsan maamulka muqdisho iyo xubno nacaybka Somaliland madax maray ayaa shabakada wararka ee muqdisho kuwa caalamiga ah iyo baraha bulshadu ku kalanto waxay si ba’an ugu weerareen raysal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga oo dhawaan ka sheegay aqalka caanka ah ee Chatham House inay somaliland  mudan tahay in lagu abaal mariyo aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho,madaama ay buuxisey shuruudihii looga baahnaa qaran jira waxaanu yidhi.

“Waxaan taageero wayn u hayaa in Somaliland hesho aqoonsi buuxa”ayuu yidhi raysal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga isaga oo intaasi raaciyay “Waxaan filayaa inay arrintaasi tahay qadiyad aad u xooggan”.

Badheedhahan uu MR Raila Odinga ku cabiray Somaliland in la siiyo xaqa ay u leedahay inay noqoto qaran madax banaan wax aka cadhooday maamulka taagta daran ee somaliya kaasi oo muujiyay sida uu u dhibsaday hadalka Somaliland ku taageeray siyaasiga rug-cadaaga ah ee Odinga, waxaanay ku andacoodeen in dooda Raila Oding dhaawacayso xidhiidhka maamulkooda iyo dawlada Kenya

“Waxa uu si qayrul masuulnimo ah Raila Odinga u dhaawacay midnimada iyo madaxbanaanida xoriyadda dhul ahaaneed, waxaanu u sheegaynaa somaliya waa mid aan sinaba loo kala jari Karin”sidan waxa yidhi ninka maamulka muqdisho u jooga Kenya.

Sidoo kalena waxa si wayn hadalkaa raysal wasaarihii hore ee dalka Kenya uga cadhooday xubno ku caaan  baxay nacaybka Somaliland kuwaasi oo baraha bulshada gaar ahaana Twitter-ka ku qorayay maalmihii u danbeeyey weerar ka dhan ah Raila Odinga iyo siyaasadda xisbigiisa,iyaga oo ku habaartamayay in aanu heli doonin doorashada dalka Kenya ka dhici doonta.

Dhinaca kale xukumadda Somaliland ayaan ka hadal wali iyadu hadalkan kasoo yeedhay Raila Odinga ee uu fagaaraha caalamiga ah ugu dooday aqoonsi Somaliland hesho, waxaana laga sugayay ama looga baahnaa xukuumadda iyo wasaaradeeda arimaha dibada inay garab istaagto hadalkaasi una hambalyayso shakhsiyaadka aan la gabban qadiyada Somaliland ee ka nixiya kuwa neceb jiritaanka Somaliland.

Xigasho Saxansaxo.