Barnaamijka Aqoonyahan Jiir Ee Miisaanka Masuuliyiinta Qaybtii 2aad

Qaybtii Hore ee Barnaamijkeenii Miisaanka MAsuuliyiinta Waxaa aynu kusoo qaadanay 8 Masuul,Waxaana Aynu Maanta Qaybteenii 2aad kusoo qaadanaynaa 15 Masuul oo aynu Miisaanka Saarnay Waana Qaybtii ugu Danbaysay
Aniga oo ah Aqoonyahan Jaamac Jiir waxaan ku hambalyeynayaa Masuuliyiintan Xilka uu Qaranku u igmaday ka soo baxay, masuuliyiintan oo ka dheer Qabyaalad dantoodana ka horayso danta qaranka waxay mudan yihiin abaal gud iyo in loo ogaado hawsha ay qaranka u hayaan.
Masuuliyiintan aan hoos ku sheegi doonaa waxay khibrad iyo waayo aragnimo u leeyihiin shaqadan ay Qaranka u hayaan iyo Dawladnimadda waxay tahay, waxaanay dadaal ugu jiraan sdiii ay uga midho dhalin lahaayeen hawsha ay qaranka u hayaan ee madaxweynuhu u igmaday, waxaana marag ma doon ah sida ay uga soo baxeen ee ilaahay ugu asturay hawlahan shaqo ee aadka u balaadhan.

Waxaana tusaale inoogu filan sida wasaaradaha ay jogaan uga soo dhalaalay ee shacabku ugu hirtay shaqadooda, isla markaana qof kasta oo wasaaradaha booqda u arkaan horumarka ay gaadhsiiyeen xafiisyadoodda, sidoo kale, waxa shaqaalaha wasaaradahan masuuliyiintani joogaan ku xushaan aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin xafiisyadda dawladda loo maamulo.

Wax qabadkan muuqda ee masuuliyiintani haddii aynaan tilmaamin si ay u sii wadaan dadaalka waa inaynu u mahadnaqnaa qofka walaalka ah ee wax qabadka waa in aan laga xaasidin ee la yidhaa waax baad qabatay sii libin laab dadaalkaaga.

Aqoonyahan ahaan markii aan in badan qiimeeyey, dhinacyo badana ka eegay waxa isoo baxday in 15 Kan masuul yihiin kuwii igu soo baxay imtixaanka aan ka qaaday, waxaana leeyahay hambalyo umaddii aad u shaqaynayseen way arkaan dadaalka aad ugu jirtaan iyo sida wacan ee aad uga soo baxdeen shaqadii la idiin igmaday. Guul baan idin rajaynayaa.

Sideedda masuul ee aan qiimaynta ku sameeyey ee ku soo baxay shaqo wanaaga waxay kala yihiin

Gudoomiyaha Gobolka HAwd Ibraahin Xaaji Xasan Cali

Wasiiru DAwlaha Wasaarada Duulista HAwada Iyo Gaadiidka Cirka Axmed Nuur Faahiye

Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Cismaan Saxardiid Cadaani

Gudoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Ciise Shiine

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdulaahi MAxamed Daahir Cukuse

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer MAxamed Ibraahin Qabo

Xildhibaan Axmed MAxamed Diiriye Nacnac

Wasiir Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali MAxamed Cilmi(Cali Gadheer)

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Cidin

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Aadan Ilkacase

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Boosaha Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh

DHAMAAD QAYBTII 2AAD EE BARNAAMIJKA MIISAANKA MASUULIYIINTA QARANKA EE UU DIYAARIYAY AQOONYAHAN JAAMAC JIIR

Wabilaahi Tawfiiq

W/Q: Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir