Ciidamada Qaranka Oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Taliyihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Sareeye-Gaas Nuux Taani

Hargeysa(GNN)-Saraakiisha iyo saraakiil Xigeenada kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa, siweyn usoo dhaweeyay Magacaabista Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye-Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kaalin mug leh kasoo qaatey Dhismihii Ciidamada Qaranka Somaliland ee Difaaca dalka.

Fadhiisimooyinka kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland ku leeyihiin jiidaha ay ku sugan yihiin ee Qeybaha,gaasaska,iyo Guutooyinka intooda badan ayaa siweyn usoo dhaweeyay Magacaabista Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani,oo xogogaal u ahaa inta ugu badan xaaladaha iyo xogaha Ciidanka Qaranka oo uu mudo dheer xilka Taliyaha u hayey islamarkaana, dhismaha Ciidanka iyo saanadiisa salka hoose kasoo dhisay,isagoo mudadii uu xilka hayey ku dedaalay kaabista aqooneed ee dhinaca tababarada iyo Leyli Sarkaal oo uu uga faa,ideeyay Ardeyda dhameysta Waxbarashada Dugsiyada Sare

ee Dalka oo heerkooda aqooneed oo kor loogu qaado iyo Xirfado kala duwan kaga soo qalain jabiyay dalka Itoobiya,kadib markii uu xidhiidh fiican u jeexay Saraakiisha Milatari ee Dawllada Itoobiya talaabadaas oo gaabis badani kuyimid mudadii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo talada haysay.

Soo dhaweynta Ciidamada Qaranka ee Taliye Nuux Ismaaciil Taani waxa u weheliya soo dhaweynta ay magacaabistiisa kaga dareen celiyeen Guud ahaanba Shacbiga Somaliland gaar ahaana Gobolada Bari iyo Magaalooyinka waaweyn ee dalka, waxaana lagu xasuustaa mudadii uu xilka hayey Taliyaha uu Xilka kala wareegayo Ismaaciil Shaqale oo dilalka Ciidanka iyo Saraakiishoodu aad u badnaayeen Ciidamada Dhexdooda.