“ Dadweynahaas jidka Halaya ilaayo Caynaba nagu soo dhawaynayey waanu u mahad naqaynaa.”

Berbera(GNN):-Bismilaahi Raxmaani Raxiim.“ Wefti uu hor kacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta hadhgalyadii gaadhay magaalo madaxda gobolka Saraar ee Caynabo, waxa halkaa nagu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo kala duwan, farxad weyn ayey noo tahay, waxaan jecelahay inaan halkan ugu mahad celiyo dhamaan dadweynahaas sida luxdan u soo dhaweeyey waftigaas uu Madaxweynuhu hogaaminayo, soo dhawaymahaas luxdan ee ilaayo intii aanu ka soo bilownay socdaalkii Madaxweynaha ee jidka u dhaxeeya magaalo madaxda dalka ee Hargeysa ilaa Berbera, sidoo kalena Berbera ilaa Burco, iyo magaalada Burco ilaa Caynaba.
14067525_481680145362553_6601425817649562650_n

13934777_481679885362579_3287433694322441605_n (3)

14063875_481679968695904_3962112307390421711_n

13938446_481679922029242_7236540931612628442_n

14051566_481679822029252_1701512521386258904_n

13934777_481679885362579_3287433694322441605_n
Taasi waxay muujinaysaa shacbiyada Madaxweynaha, hilowga, niyad-samida iyo taageerada uu madaxweyne Siilaanyo uu bulshada ku dhex leeyahay, isagoo makrii hore lagu doortay cod boqolkiiba konton ah (50%), maanta oo uu lix sano dalka xukumayey in taageeradiisii ay korodhay mooyee aanay hoos u dhicin, taasi waxay ka mid tahay nasiibada ay helaan hogaamiye-yaal farro ku tiris ahi, madaxdu sidaadaba dunida waa laga xiiso dhacaa marka ay xukunka mudo hayaan, waa wax iska dhaca, marka laga tago khaladaadka siyaasadeed ee ay galaan.
Dadkaas maanta Madaxweynaha soo dhaweeyey oo aan cidka ka shaqayn iskoodna u soo baxay, wado wal oo aanu maranayna way taagnaayeen oo caleemo qoyan ayey siteen oo madaxweynahooda ku qaabilayeen, taasi waxay muujinaysaa dareenka iyo jacyalka ay dadku u hayaan hogaamiyahooda, dareenka iyo quluubta dadkana lama iibsado, markaad dadweynahaas jidka Halaya ilaayo Caynaba nagu soo dhawaynayey waanu u mahad naqaynaa.”
Wa Salaamu Calaykum wa Raxmatulaahi wa Barakaatuhuu.