Dambiile Dagaal Maxamed Cali Samatar Oo Ku Geeriyoodey Dalka Maraykanka

Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo dadka reer somaliland ugu suntan xasuuqii iyo dhibkii loo geystey isla markaana ahaa gacanyare si fiican ugu adeega kalidii taliyihiii Soomaaliya  Maxamed Siyaad Barre ‘ AFWEYNE’ ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday gobolka Virginia ee Mareykanka.

Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa Soomaaliya kasoo qabtay xilal badan sida xilka Madax-weyne Ku-xigeenka, Raisul Wasaare iyo xilal kala duwan, ciidamadii  uu ku adeegan jirey siyaad barre.

Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa ahaa shakhsi jagooyin sare usoo qabtay dawladii kacaanka guud ahaana wuxuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu caansanaa dawladaa ama Soomaaliya gaar ahaan intii dawladii kacaanku ay jirtay.

Cali Samatar ayaa lasheegay inuu ahaa 85 sano jir markii xalay uu ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Maanta ayuu hor joogaa cadaalada ilaahey; lana su’ aali doonaa dhibkii uu ugeystey kumaankun qof oo reer somaliland oo aan waxba galabsan.

Log11