Deked wareejinteeda la diiday ninkii waalan baa u duda.

Horta madaxweynihii Silaanyo halkaa iska dhig oo waxan socda isagu faraha kulama jiro sababtu waxay doonto ha ahaatee, hase yeeshee sadexda qof ee looga taag la’yay in Somaliland bur-burto waa Wasiirka madaxtooyada maxamoud Xaashi, iyo Baashe Cawil Morgan iyo sodohdii Amina Weris. nin baa waa yidhi:

isma oga smidh iyo ninkii eyro foofsaday Maanta hadaba waxaan iska warqabin beelaha Saaxil dega iyo xukuumadan Silaanyo ee ciyaalku ka arimiyaan. Reer Saaxil waxay u diyaar garoobeen hadii wax waliba dhacayaan in dekeda carab lagu wareejin. Maxamoud Xaashi iyo Morgan iyo Amina Weris na waxa y u diyaar garooneen inay
hantida ummada dhacaan oo ka dhaqaajiyaan intay weliba SHARES ku yeesheen dekeda. Lix sanadood waxay dalka ka dhaceen way kuwada filantay qoyska Silaanyo hadana waxay dhegeysteen Morgan oo ku yidhi sanadki dekeda 10 million oo dollar baa la inaga siinayaa. Subxaan ileyn ciyaal caqli ku filan ma yeesho. Nin wal oo yidhaa ha la wareejiyo kuma sifoobayo wadani nimo. Bal dowladan ku khafiiftay dhaxal wareejinta ee bulshaduna ka hor taagantay eega.

Abdi Mustafe <abmustafe123@gmail.com

********************************************************************
Gabiley.net marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga