Dhacdo Barakaysan By Mukhtar Cilmi

waana akhlaaqda lagu yaqaano CIRRO inuu yahay shakhsi raxiim ah oo jecel inuu caawiyo

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabrakaato.

Maadaama oo aanay bini aadamu awoodin inay wax ka sii ogaadaan sida uu eebe u dhigay dhacdooyinka aadamaha ku soo fool lah, hayeeshee uu inoogu deeqay garaad iyo garasho aynu ku cabirno amase ku saadaalino waxa aynu filan karno.waxaan la yaabay nin magaciisu yahay CALI C/LAAHI DHEEG oo wax ka qoray dhacdo dhex martay GUD.C/RAXMAAN CIRRO iyo ISLAAN WAAYEEL WADDO MARAYSO, isago wadadaas maraya ayuu u joogsaday islaantaas si u caaweyo, waana akhlaaqda lagu yaqaano CIRRO inuu yahay shakhsi raxiim ah oo jecel inuu caawiyo dadka tabalaysan waxaana ku
odhan laha baro CIRRO adu lagu yaqaano oo xubin isku sheeg tahay UCID UK jooga! dhacdadana waa mid barakaysan oo galinaysa muwaadiniinta farxad iyo rajo fiican inuu cirro noqdo madaxweynaha soo socda. Kaambaynka iyo dhaqdhaqaaqyada Gud CIRRO waa kuwa natijooyin wanaagsan u dhaliya mar walba hankiisa siyaasideed ku noqon laha madaxweyne 2017,waana aragna mar walba halku maro ay taageeerayaal fara badan soo dhaweyaan,wana xisbiga kaliya ee mar walba kusoo biiraan siyaasiyiin iyo aqoonyahanu,taasina waxay ku timi kartida shaqsiyadeed ee Gud CIRRO iyo xisbiga bahweynta ee WADDANI oo leh kaadir aqooneed ku wajahan kasbashadda quluubta muwaadiniinta. xisbi maanta saaxadda jooga oo la miisan ah WADDANI ma jiro,waayo KULMIYE nacayb aya loo qaba meel walba u tago afar shaqaale mooyaane u soo baxa !,UCID na iska ilaaw!.hadaba kambaynkan barakaysan ee Gud.CIRRO waa mid isbedel u keeni doonta somaliland oo higsanaysay 1960kii kaas oo ah in ictiraafkeedi iyo ixtiraankeedi u soo celiso. halka adiga oo ah xubin garabka FAYSAL duminaya xisbi qaran iyo qabyaalad cantayn ah oo isku diraysid bulshadda ado degan UK! la wada raac kaambaynka WADDANI,CIRRO 2017.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com
********************************************************************
Gabiley.net marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga