Diiwaangalintii Codbixiyayaasha Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabmatay Gobolka Sool Iyo Degmadda Buuhoodle Iyo Dareenada Ku Xeeran Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sool Oo Maamulka Puntland Faro Galin Ku Hayso

Hargeysa(GNN)August.23,2016- maanta oo taariikhdu tahay 23-08-2016 waxa deegaanada gobolka Sool iyo degmada buuhoodle oo ka tirsan gobolka togdheer si rasmi ah uga bilaabmatay diiwaangalintii codbixiyayaasha.

Waxaana sanduuqyada diiwaangalinta codbixiyayaasha sida naloo sheegay la geeyay badiba deegaanada gobolka sool iyo degmada buuhoodle,wallow ay jiraan deegaano ka tirsan gobolka sool oo ay faragalin qaawan ku hayaan maamulka Puntland ayna ka wadaan qorshe ay ku marin habaabinayaan diiwaangalinta.

Deegaanada ay diiwaangalinta codbixiyayaashu sida rasmiga ah uga bilaabmaysa ayay gudida doorashooyinka qaranka jamhuuriyadda Somaliland shegeen,waxaanay tilmaameen in diiwaangalintu ka bilaabmayso  175 goobood, kuwaasi oo 153 ka mid ah ay yihiin gobolka Sool, halka 22 ka kalena ay noqonayaan degmadda Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Gobolka Sool ayaa waxa jira sida wararku nagu soo gaadhayaa deegaano ka tirsan gobolka oo ay ku sugan yihiin xubno ka socda maamulka Puntland kuwaasi oo wada qorshe ay khal-khal ku galinayaan deegaanada ay ka bilaabmayso diiwaangalintu.

Wararka soo gaadhaya Ramaasnews  ayaa waxay intaa ku darayaan in xaalada maagaalada laascaanood ay hadda tahay mid dagan isla markaaana ay shacabka magaalada laascanood badankoodu ay saaka u dareereen sidii ay usoo qaadan lahaayeen kaadhka diiwaangalinta codbixiyayaasha.

Sidoo kale waxa magaalada laascaanood ku sugan xubno wasiiro ah oo ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka cusub ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland kuwaasi oo kormeero kusoo maray deegaano badan oo kamida gobolka sool.

Gabagabadiina diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka sool ayaa waxa la filayaa inay si nabad ah uga soo dhammaato diiwaangalintu gobolka sool, sidii ay shantii gobol ee kale uga soo dhamaatay.

Log1