Gudida Caafimaadka Gobolka Gabiley oo Fadhigoodii Koowaad Ku Doortay Hogaan Kuna Ansixiyey Xeer-hoosaadkoodii

Gabiley (GNN): – Xubnaha Gudida Caafimaadka Gobolka Gabiley ee Dhawaan Wasiirka Caafimaadku Ansixiyey ayaa kulankoodii Koowaad oo ay ku yeesheen xarunta wasaarada Caafimaadka ee goboka Gabiley ayaa ku doortay hogaanka gudidaasi sidoo kalena ku ansixiyey xeer-hoosaad ay ku dhaqmi doonaan.

14031059_10154209564751999_1278526980_n

Kulankaasi oo ay kasoo xaadireen dhamaan xubnaha gudidaasi caafimaadka ayaa lagu lafo-guray shaqada gudida laga doonayo inay qabato iyo waxa laga filayo halkaasi oo gebogebadii kulankaasina lagu doortay hogaanka gudida caafimaadka gobolka Gabiley oo ka kooban affar xubnood; gudoomiye, gudoomiye ku xigeen, xoghaye iyo qasnaji.

Gudoomiye: Boqor Muxumed Geele Seed
Gudoomiye ku xigeen: Sacad Cabdi C/laahi Riiraash
Khasnaji: Maxamed Jaamac Qalinle
Xoghaye: Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi

14037534_10154209565976999_580436060_oCaafimaadka gobolka Gabiley oo rubuc qarniga ay dawlada Somaliland dhisnayd ba dib u dhac badani ka muuqday ayaa kasoo raynaya tan iyo intii wasaarada caafimaadka loo magacaabay wasiir Saleebaan Ciise Xagla-toosiye. Gudidanina waa tii ugu horaysay ee heer gobol ah iyagoo laga filayo inay dajin doonaan qorshe wanaagsan oo lagu horumariyo caafimaadka gobolka iyo khilaafyada iyo muranada baahsan ee baryahan danbe ka dhex taagnaa qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka gobolka Gabiley.

14030734_10154209564746999_222715402_n

Gabiley.net
Gabiley Somaliland.