Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Sool Mudane Ramaax Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Ku Aadan Gobolka Loo Badalay

Hargeysa(GNN) Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sool Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha xilka uu habeen hore madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo u magacaabay .

 

Gudoomiyaha oo khadka telefoonka kula xidhiidhay wargeyska Warsugan ayaa u sheegay inuu ku niyad san yahay gobolka loo magaacabay,isla markaana ay ka go’an tahay ka shaqaynta wanaaga iyo horumarka gobolka.

Waxaana gudoomiye Ramaax isagoo arimahaasi ka hadlaya uu yidhi.
“Madaxwaynaha waxaan uga mahadcelinayaa xilka uu ii magacaabay gobolka aan ka imi iyo dadka aanu soo wada shaqaynay waxaan Iyana aan uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay iila soo shaqeeyeen,gobolka sool-na waa gobol xadaarad leh waana gobol aan ku kalasoonahay shaqadiisa waana soo dhawayanaya insha allllah shacabka joogan si wanaagsan Ayaan u wada shaqayn doonaa ugana talin doonaa horumarka iyo nabadda gobolka’Sidaas ayuu yidhi mudane Ramaax.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka sool mudane Ramaaax ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii ay golaha wakiilada Somaliland ku meel mariyeen heshiiskii dekeda berbera,waxaana uu sheegay inay guteen waajib ka saarnaa horumarka dalka waxaanu yidhi.

“Golaha wakiilada Somaliland waxaan leeyahay waajib ayaad gudateen,horumarka dalkana waad ka shaqayseen,qarankana waad u hiilisen,berbera oo la horumariyaana waa Somaliland oo la horumariyay,gobol kale oo la horumariyaana wa sidaas oo kale”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomye Ramaax.

Gudoomiyaha Maxamuud Cali Saleeban Ramaax ayaa ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka awdal isaga oo madaxwayne Siilanayo isku shaandhayntii habeen hore ugu badalay inuu noqdo gudoomiyaha gobolka Sool.