Halkan Ka Akhri Magacyada Masuuliyiinta Ka Socda Kooxda Khaatumo Ee La Filayo Inay Maanta Wada Hadal Toosa la Furaan Dawlada Somaliland

Hargeysa(GNN)August.5,2016-Wararka naga soo gaadhaya magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar ayaa sheegaya in maanta magaalada caynaba uu wada hadal rasmi ah uga furmayo siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka socota kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo iyo xubno wasiiro ah oo ka socda xukuumadda Somaliland.

Waxaana labadan dhinacba la filayaa inay ka wada hadlaan arimo badan oo khuseeya dhanka amniga,horumarka iyo iyo wada noolaanshaha shacabka deegaanada somaliland.

Waxaana magaalada caynaba sida naloo sheegay shalay soo gaadhay masuuliyiin ka socda kooxda Khaatumo oo laga soo direy magaalada buuhoodle kuwaasi oo wada hadalka tooska ah la furaya dawlada Somaliland.

Xubnahan ka socda kooxdaasi ayaa la sheegay inay ka kooban yihiin 6 xubnood kuwaasi oo kala ha

  • Kayse Cabdi Yuusuf oo kooxdaasi ugu magacaaban wasiirka amniga horena uga goostay dawalda Somaliland
  • Maxamuud Ismaaciil Shabbac oo kooxdaasi ugu magacaaban wasiirka arimaha dibada
  • Yasuub Axmed Sulub oo isagu hore wasiir uga soo noqday kooxdan Khaatumo
  • Xariir Aw Cali oo ah xildhibaan hore
  • Caaqil Axmed Xasan Xaaji Cumar
  • Bashiir Mahdi oo isna kamid ah qurba joogta taageerta kooxda Khaatumo

Xubnahan ka socda kooxda Khaatumo ayaa sida wararku nagu soo gaadhayaan ku sugan hadda magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar.

Dhanka kale wararka aanu helayno ayaa sheegay inay saaka magaalada hargeysa ka baxeen xubno wasiiro ah oo ka socda xukumadda Somaliland kuwaasi oo sida naloo sheegay la filayo inay wada hadalka la furaan xubnahna ka socda kooxdaasi.

Wasiiradan ka baxay saaka magaalada hargeysa ee naloo sheegay ayaan la shaacin magacyadooda iyo sawiradooda toona balse waxa naloo sheegay inuu wasiiradaasi ku jiro wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Wada hadaladan u furmaya labada dhinac ee kooxda Khaatumo iyo dawlada somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan la filayo inay diiwaangalinta codbixiyayaashu ka bilaabmato gobolka sool kadib markay kasoo dhamaato gobolka sanaag oo ay hadda ka socoto.

Log11