Heestii Xorbay noloshu kuu tahay ee ay qaado Khadra Sinimoo oo la isku haysto

Waa wax iska caadi ah in abwaan kastaa sheegto heesta uu sameeyo, balse waxa  aan meesha ku jirin in abwaan uu sheegto midho aanu lahayn. Haddaba Abwaan Dhamme oo sheegtay inuu leeyahay Heesta Xorbay noloshu kuu tahay ee ay qaado Khadra Sinimoo waxa iska leh sida ay sheegayso Abwaanad kale oo la yidhaahdo Sahra Jaamac Tanag.

Haddaba waxa aanu xidhiidh ka weyn Abwaan Dhamme oo aan isku daynay inaan helno, balse noomay suurto galin. Haddii uu daawado muuqaalkan oo uu ka jawaabayo fadlan nala soo xidhiidh.

Waxa kale oo ay abwaanad soo bandhigtay qoraalo iyo ay is waydaarsadeen iyada iyo Dhamme oo markhaati ah inay leedahay heestan.

Haddaba haddii aannu abwaankani heesta lahayn waa inuu raali galin ka bixiyo iyo waliba sheego ama xuso abwaanada leh heestan.

Heesta la isku haysto