Heshiiska Xukuumada Somaliland La Gashay DP World Ee Dekada Berbera Wuxuu U Muuqda Mid Lagu Danaystay Si Wayn.

Waxaan labada dhinac kala sexeedaan heshiisyon kala duwan iyada oo la eegayo kolba miisaanka nooca adeegaasi loo qoodeeyo in uu
Inta Badan caalamka 30kii sano ee ugu danbaysay waxaa ka hirgalay nidamka (System) loo yaqaan Public private Partnership kaasi oo lagu Maalgaliyo Mashaaricda dawladuhu ku horumariyaan ,kuwaasi oo leh nocyo (Models) kala duwan, dhinacyada ,miisaanka dhaqaale, wakhtiga iyo shuruuda intaba kolka heshiis la galayo..
Waxaana ku shurakooba shirkado gaar(private Sector)loo leeyahay iyo xukuumada (Public Sector) intiisa badan qayba ka mid ah siiba kuwa leh miisanka culus ee dhaqaalaha lagu maalgalinayo ee xukuumadu tahli kari waayaan,siyaabo kala duwan aman ka shaqaysiin kari waayaan adeegyada qaarkood, waxaana ka mid Mashaarichdaa kabayaasha waawayn, Miisaanka leh ee loo adeegsado, sida Madaarada, Isgaadhsiinta, Biyaha,Dekedaha,Tareenada, Tamarda laydhka, iyo kuwa kale. Waxaan labada

dhinac kala sexeedaan heshiisyon kala duwan iyada oo la eegayo kolba miisaanka nooca adeegaasi loo qoodeeyo in uu ku haboonyahay.
01.Heshiis Adeeg inta badana wakhti gaaban ila 1-3 sano( Services Contract agreement short priod 1-3 years)
02.Heshiis maamul (Management Agreement from 5-15 years)
03.Heshiis Kiro (lease Agreement 5- 10 years)
04.Heshiis ogolaansho Maamulka mudo dheer lana malagaliyo lehna miisan dhaqaale. ( Concession Agreement 15— 30).
Waxa kale oo nidamakan haga ugu yaraan 10 qaacido (Ten Principles for Successful Public Private Partenership) iyo afar sifoyin (four characters) lana hubiyo si uu u noqdo mid suura gal ah ama mid guulaysta.waxaana ka mid.
01.Si fiican oo loo diyaariyo labada dhinacba,ee Mashruuchu ka dhexeeyo taasi oo uu mid walba soo diyaariyo dooraka uu ku leeyahay.(prepare Properly for PPP.)
02.Abuuris aragti midaysan.(Creat a shared vision).
03.in aad fahamto ka qayab galayaashada iyo doorka ay ka ciyaarayaan (Understand your partners and Key role players).
04.Inay kuu muuqato kharta iyo dheefta iman kara.( Be Clear on the Risks and Rewards) .
05.In la Qorsheeyo guud ahaan Mashruucan, lana hubiy heeshiiska ku haboon in lagu maalgaliyo, isla marka noqdo mid leh muuqaal dhaqaale (strategic Planning).
06.lagu sameeyo daraasad iyo Qiimayn qoto dheer (Feasibility studies and Evaluation).
07.Diyaarin Mashruuca iyada oo la hubinayo jiritaankiisa iyo tiro koobis(procurement).
08.in la diyaariyo loona gudbiyo tartan caalami ah oo hufan(Preparation for the procurement process also begins in this Phase, including selection of the best procurement method and first drafts of the bidding documents. The final step in phase 2 is an application for In-principle Clearanceby the Appraisal / Clearance Authority.Iyo qodobo kale oo la mid ah.
Nidaamkaasi oo ah kan xukumada Somaliland iyo DP world ee Dekeda Berbera la gashay,kaasi o ah Modelka loo yaqaano( Concession agreement) waxa nocaasi tilmaan u ah heshiisyad ugu miisanka culus marka la eego dhan walba, Dhaqaalaha lagu maalgalinayo, wakhtiga, khatarta, shuruudaha la wadan galayo,iyo shuruucda lagu wada galayo.Heshiiska (MOU).
Inaga oo ka dulayna qaybaha aan ka aragnay heshiiska (assumptions) iyo qayb ahaan waxa uu leeyahay shuurdaha uu leeyahay sida miisaankiisa dhaqaale, oo ah in Somaliland dhenaceeda ka tanaasusho maamulka, (Management,operation and Maintenance) guud ahaan ka shaqaysiin iyo dhamaan adeega Dekeda Berbera qabato, mudo dhan 30 sano. kaasi oo waliba xaq u siinaya in la kordhin karo 10 sano bila shuruud mudadaa ka dib,
(DP world has full authority based on the terms of concession agreement, to manage, operate Port Berbera for the period thirty years).

Labada dhinac.Somaliland iyo Shirkada DP World waxay ku heshiiyeen in Shirkada ay ku yihiin Shuraako ay Maamuli doonta Dekeda Berbera, lana Magac baxday BPA(Berbera Port Authority.

Halkaa shirkada DP World Dekeda Berbera ku maalgalinayso #442million.

Sida ka muuqata heshiiska hor dhaca ah MOU wuxuu maalgashigaasi ka koobanyahay.

01.Dayac tirka iyo qalabayn Dekeda Bebera qaybta haatan shaqaysa oo ka kooban 650mt dhamaan qalabka yaala, sida tugs, Barxadaha la dhigo badeecadaha iyo wlm. Iyada oo PD world ku maalgalinayso #62 Million.
02.Diska Dekeda cusb oo 400 mt (Container terminal) una qalabaysan si casri ah.(Maalgain #230 Million)
03.Diska Dekad Qayb cusub oo 400 mt (Container Terminal) oo lagu kordhin doono Marka ay qaybta hore ee phase 2 hawal gal keedu gaadho 75%. (Maalgalin PD World #200 Million)
04.Barxada free zone oon la sheegin inta ay leegtahay baaxad ahaan.
Dhanka kale saami qaybsiga heshiisku wuxuu tilmaamayaa in 65% DP world iyo Somaliland oo leh 35% dabcan saamigaasi wuxuu xaq u siinayaa shirkada 65% wax walba dhamaan wixii hoos yimaada heshiiskan, sida , shaqaalah, Maamulka guud ee Dekeda ( the Board of Directors), waxa kale oo uu xaq u siinayaa laguna xusay nidaamka tacriifta oo ay shirkada DP World samaynteeda, kordhinteeda awood buuxda u leedahay.
Sido kale waxay DP World yeelanaysaa dhamaan awoodaha hoose ee heshiiskani siinayo oo inay soo amaahato lacagaha maalgalinta ee ka baxsan heshiiskan ah korodhsiimo ku yimaada mashruuca, wareejinta Saamiyada, awooda bixinta heshiisyada adeega Dekada, qaybo badan oo kale, waxaana xaqaa ay ku mutaysatay heerka saamiga ay yeelatay oo sareeya, halka Saamiga Somaliland yahay 35%.
5.Saamiga Somaliland oo 35% wuxuu ka kooban yahay oo ay ku qaybtamaysan marka dheef qaybsiga la gaadh 25% ay si toosa u heli doonto.
saamiga inta soo hadhay oo ah 10% waxa laga hayn doona 50% deefta qabsiga saamiga , taasi oo laga hayn doono ila laga dhamaystiro bixinta lacagta qiimihii saamigan iyo lacago kale oo si farsamo ah loo bixiyay(but pursuant to a deferred payment mechanism DPW will retain 50% of dividends from BPA shareholding utill full repayment by BPA of the value of this 10% shareholding in the company).
6.Somaliland waxa kale oo waxa lagu sheegay entry fee oo dhan $15 Million.
7.Somaliland waxa helaysa $ 5 Million Sanad kasta.
8.Somaliland waxa kale oo ay helaysaa fii Fee dhan 10% oo ah kharashka ka soo baxa adeega Dekeda kaasi oo is badbadali kara (variable fee of 10% from Revenue operation from the Port) or MGA. Minumim Grantee Amount.
Shuruucda hawal galka Dekeda.(Port Rule and Regulations) sida caadada ah heshiiskan dal kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la raaco ka u yaala dalkiisa, kaasi oo isaga laftiisu ku dhisannyahay Distorka dalka iyo nidaamaya caalamiga ah oo dal walba iyo laba dhinacba ku ilaashanayo dhamaan arrimaha khuseeya dalkiis, sida Nabadgelyada dalka (National Security), iyo wixii danta dalka iyo dadka lagu ilaalinayo,taasi oo macnaheedu yahay marna ma dhici karo in maamulada duwaliga ah loo wada dhiibo shirkad ajnabi ah.waxa intaa dheer sida ku cad heshiiska hor dhaca ah.
In wixii shuruuc iyo Distoorka lagu maamulayaa heshiiskan iyo Dekeda Berbera uu yahay Law of England . Lafa gur (Analyzing and comments).
01.waxa cad in Somaliland saamiga heshiiskan yahay 35% mudada 30 sanno ee ay wareejisay02.Saamigaasi oo ka kooban sidan.
a.25% waxaa loo xisaabiyay Dekeda Bebera ee Jirta ahna 650mter iyo dhamaan qalabkii Dekeda sida, Tugs, Cranes, Forklifts, tractor iyo WIM.
b.10% Somaliland waa Saami la amaahiyay oo laga jari doona xisaabtiisa iyo qimahiise
c.Somaliland waxay heli doontaa ama hesay lacagah oo ah $15 Million, Xaqul Qalin $5 Million iyo 10% dakhliga ka soo baxa Dekeda sanad walba.
d.Lacagaha ku xusan b.,iyo c. Waxay laciifiyeen meeshana ka saareen Saamigii Xaqa
ahaa ee Somaliland ahayd in ay hesho kaasi oo u muuqda in aanu ka yaraadeen 48%.
03.Waxa kale oo Cadaan ah in Qiimaynta, daraasada,iyo guud ahaan Jiritaanka Dekeda Berbera Ina tusayo mid aan laga soo qaaday meel hoose (not Vaiable financially), waana sida loogu qiimeeyay 25% Saamiga Somaliland Heshay.
04.Waxa la yaab leh in la is waydiiyona mudan Sababta keentay in Somaliland La amaahiyo Saami dhan 10% oo aanay waxba ka bixin qiimihiisii, isla marka loogu daro $15 Million oo lagu sheegay xaqul qalin. 05.Diska Dekada iyo Casriyaynta xaga Qalabka.
WAXAAN JECELAHAY IN aan IS BARBAR DHIGNO DEKEDA DOURALE EE DALKA DJIBOUTI OO WALI DISMAHEEDU SOCDO KANA DHUGO SHAXDA HOOSE.
Serial No Dekeda Berbera DPW No of Berths Qiimaha Douraleh Dji Port No of Berths Qiimaha 01 Diska 400+400mt + Barxad 25 hector Storage+qalabayn Casri ah iyo Freezon
3+3 Berths for 133 mt LOA ships can berth $382 Million Diska 1200mt + 60 hector storage+ qalabayn Casri ah 6 Berths for 200mt LOA ships can berth $300 Million

02 Horumarin Dekeda Jirta haatan, sida Qalabayn Casri ah.
4 Berths 133mt LOA ships can berth Total of4 ships $60 Million N/AN/A /A
06.Dakhliga Dekeda Berbera Soo saarto xagga adeegyada kale duwan ee qabato.
(Income Revenuefrom Berbera Port for the different services operation including . Stevedoring charges, and other Port services charges).Estimated.

Serial No
Monthly Income Revenue $
Yearly Income Revenue $
Total income Revenue for 30 Years
DPW Total investment for 30 Years in Concession01
$ 2000,000
$24,000,000
$ 720,000,000
$60,000,000.
N.B.dakhligani wuxuu is badali kara ugu yaraa 5% ila 28% Shanta sano ee ugu horaysa, halka uu kor u kac balaadh samayn karo sanadba sanadka ka sii danbeeya.
Waxa kale oo cad in Maalgalinta Dekeda Berbera ee hadda shaqaysa ku haboonayn in heshiiska nocan ah Concession Agreement iyada oo la eegaya Miisaanka dhaqaalah lagu maalgalinayo, iyo dakhliga ay soo saarayso , waxayna ku habootahay labada Mashruuc ee Dekeda Hore iyo Labada Qaybood Dekedaha Cusub la kala reebo.
07.Gabo-gabo Guud ahaan Heshiiskan waxaa ka muuqata gol-daloolooyin bada kaasi oo u muuqda ka gorgortan la,aan xagga Somaliland, dhinacyada qiimaynta Dekeda Hore, iyo arrimo kale.
08.Waxanu u muuqdaa mid laga danaystay,danaysi badani iyo tanaasul Badani ku jiro, wuxuuse kolay ku sifoobayaa heshiiskan mid Mustaqbalka fog, dan u ah Somaliland , iyada oon la eegin Cidii haatan ka danaysatay, taasi oo laga doorbidayo danta guud iyo cida u hadhaysa Mashruuca.
Waxaad hoos ka dhaadan kartaa wixii talo Bixin ah ee iyana ku haboon i wixii ka qaldan ama Soamliland ka maqan loo sixi lahaa inta aan la gaadhin Heshiiska kama danbaysta ah.
Talo Bixi (Recommendations).
01.Heshiiskan Dekeda Berbera wuxuu u baahanyahay in waxa laga Badalo laguna Sameeyo (Amendments).02.Waxaa Haboon in la kala saaro Dismaha Dekeda Cusub iyo Tan hore.
03.Dhamaan lacagaha Curaarta ee kala ah $ 5million sanada walba in Somaliland la siiyo , sido kale MGA and 10% laga siinayo Somaliand dakhliga ka soo gala Dekeda waa in laga saaraa meesha laguna Xoojiyaa Saamiga Somaliland ka helayso qaybta, waxaanan aaminsanahay in aanu ka yaraanayn 48-49%
04.Waxayna qodobkaasi wax wayn ka badalaysa dhamaan awoodihii sharcigu siinayay ee ku xidhnaa Saami qaybsiga,kaasi oo Somaliland kor u soo qaadaya.
05.shuruucda Maamulka Dekeda laftiisu wuxuu u baahanyahay in Somaliland Yeelato lana Draft gareeyo si deg deg iyada oo laga dheeganayo kuwa jira ee caalamiga laguna dabaqayo Distrooka Somaliland iyo arrimo badan oo kale kuwaasi oo aanan ka faaloon kari maa daama aynaan hayni, Heshiiskii dhabta ahaa, Business Plan kii Shirkada, Heshiiska Kirada dhulka (lease Contract of land )
Wa-Bilaahi Tawfiiq.Eng. Musa A Nour PP Expert.
*********************************************************************
Gabiley.Net marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.Net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga