Jaamacadahii Somaliland oo noqday Tusbax Furmay iyo Tayadoodii oo hooseysa . Qalinkii A/R fidhinle UK

Hadii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban tayadaJaamacadaha Somaliland.………”
Jaamacaduhu waa goobaha ay cilmiga iyo caqliga cokani ku gadhoodhaan kuna kulmaan , taas oo noqota goob aqoonta lagu falkiyo, lagu hufo oolagu curiyo laguna baro ubadka u ooman cilmiga. Aqoontu waa ruuxiyaadka hogaamisa binu aadamka oo hayaanka horumarka ku habtakuna hanuunisa.Aqoontu sideedaba ma ha sida loo kala afmiishaarsan yahay ee loo kala aftahan san yahay ee aqoontu waa Takhasus aqooneed oo qofka qaar u ah ( Proffessional skills ) Aqoontu waa halka bulshadu ka dhisanto waana in Xukuumad kastaa ay Xooga saartaa sidii loo tayeyn lahaa ee ummadda loo wada gaadhsiin lahaa. Waxaan dhawaan booqday oo la yaabay in kabadan 20 Jaamacadood ooSomaliland ku yaala. Somaliland oo ah Dawlad yar oo aan weli la ictiraafin ayaan milicsaday in ayka hawlgalaan ilaa iyo 32 Jaamacadood oo isku wada maado dhiga,oo “copycat”ah,kuwaas oo badankoodu cusub yihiin oo aany weli ardayi ka bixin. Waxaana ka mid ahaa Jaamcadahaa liiskan hoose:
1-Amoud University……… Waa Jaamacada Kowaad ee Somaliland ka hirgashay taas oo laysugu habar wacday laguna fadhiisiyey maskax tuugin cokansanadkii 1998
2- Hargeisa University…… Waa Jaamacadii labaad eeJSL ka hirgashay sanadkii2000 .taas oo ay bud-dhigeen aqoon yahano laakiin khilaaf ragaadiyey mudo dheer.
3- Burco Univesity …………Waa Jamacadii Sadexaad ee Somaliland ka hawgashaoo dhamaan laamaheeduGobolada dalka wada gadheen
4- Golis University ………… Waa Jaamacada Afraad ee Somailand ka hirgashay taas iyana tartan ugu jirta in aaney isdhimin ardeyda ay waxbaraan.
5-Sanaag University……………… …………….
6- Adna Adan University……………….. …………
7- Rift Valley University……………….. …………..
8- Adams University……………….. ………………..
9- Maroodi Jeex University……………….. ……….
10- Jimma University……………….. ………………..
11- Horn international University College………..
12-Frantz Fanon University……………….. ………..
13- Abaarso Technology University………………
14- New Genaration University College…………
15- Alpha University College………………….. …….
16- International Horn University……………….. …
17- Mount Kenya University……………….. ………
18- Addis Apapa Medical University……………..
19- Al-najax University Burco……………………. ….
20- Timocade University……………….. …………….
21- Hope University……………….. …………………..
22- Berbera Marinetime University………………..
23- Nugaal University……………….. …………………
24- Beder University ………………………… ………..
25- Ealo University Borama…………………… …….
26- Badhan University……………….. ……………….
27- Unity University……………….. ………………….
28- Sheikh Vetenary College………………….. …..
29- Sidem College ………………………… …………..
30-Somaliland University of science and technology
31- Fairland University……………….. ……………..
32- Niilayn University ………………………… ……..
Maadaama aanay Xukuumada talada haysaa ku qotomin waxbarashada sare ee dalka Siyaasad cad (National Policy) oo lagu hago waxabarashada Jaamacadaha Dalka waxay Jaamacadihii dalku noqdeen Meherado layska furto sida Dukaanada. Sidamujtamaca reer Somaliland ka wada dheregsan yihiin qaar ka mid ah Jaamacadaha Somaliland ee dhawaan la furay waxay ku abuurmeen hinaase shaqsi ah oo ku habsaday Proffesor is bedeyaal dalka u dhashay ka dib markii uu xaalkoodu noqday “aqooneey ama aan ku cuno ama ku ciideeyo“.Jaamacadahaa qaarnawaxay dalka ku yimaadeen Qayd xanbaarasho dhabarka lagusoo qaataymagac Jaamacadeed ooAfrican ah ooaan tayo iyo tiirar adag iyana ku taagneyn.Badanka Jaamacadahaasi qoraal yar mooyaane ma lahaWaax ama Unugu qaabilsan tayeynta waxbarashada ay dhigaan ” Quality insurance” malaha Halbeeg lagu cabiro “Indicators” dawlad kantarooshana xaalkeeda iska daa. Badanka Jaamacadahaasi kuma xidhna Jaamacadaha aduunka. Qaar ka mid ah Jaamacadahaasi waxay soo koobeen waqtigii iyo saacadihii simistarka ee wax loo dhigayey ardeyda,waxaana aybadka soo dhigeen macalimiin aan aqoon sare iyo tababar badan laheyn, taas oo tayadii tacliintii Jaamacadaha JSLramiimka ka dhigtay oo god madow ku siiriday,waxaana aykireysteen Jaamcadahaasi goobo yar yar oo guryo kooban ah oo aan loogu talo galin baya’d waxbarasho laakiin loogu talo galay guryola seexdo.
Maantawaa inla ladabo qabataa tayeyntaTacliintii sare ee Somalilandoo hadaraacday dariiq silan oo sabool ka ah Hoy cilmiyeedlagu soo hirto.Maadaamaaaney ku fadhiyin aragti cilmiyeysanee xaalku iska noqday dhuuni raadin, dhaqaale doon iyo dilaalnimo loo adeegsaday aqoontii mugdiga iyo jaahilnimada lagaga bixi lahaa waxaana uumaxsuulku noqon doonaa hadii aan la xakameynin ay Jaamacadahaasi soo hurgufaan oo soo saaraan dilaaliin iyo afmiishaariin aqoon ahaan aan isku kal sooneyn oo aan academic aheyn. Waxaan isweydiiyey su’aasha ah,Jaamacadahan dhawaan dhaladka ah ee shaqsiyaadku ay tuurta ku sitaan ma noqon doonaan War cilmiyeed loo soo arooro oo cidii cilmi u haraadani ayku qabowsadaankuna oon baxaan ? Su’aasha Jawaabteeda waxaan u daayey Shacabka gobta ah ee reer Somaliland.
Waxaa aad hoos ugu dhacaykalsoonidii, qiimihii, haybadii, qadarintii iyo karaamadii uu macalinka, Doctorka iyo prosseforku lahaa.
Waxaa milan iyo maydhanaan taban noqotay hiraalkii iyoixtiraamkiiCilmiga iyo aqoontu lahayd, saa dilaal waliba wuxuu ku leeyahay Jaamacada ayaan ka qalin jebiyey ama waxka dhigaa. Maadaama uu qiimihii iyo qadarintii Deanka Jaamacada iyo Professorkii Jaamacadu uu hoos u dhacay oo habar waliba sheegatay “Ditoore iyo Professore” Dawladii iyo Bulshadiina ay ilaashan wayeen ee ay indhaha ka daawanayaantayentii waxbarashadawaxaa ay taasi god madow ku ridaysaa hadii ay sii socoto qiimihii iyo xiisihii loo hayey in la bartocilmiga maadiga ahee taxliinta sare ee Somaliland.
Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta :Hadii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban tayadaJaamacadaha Somaliland, qiimaha tacliinta sare ee Somaliland waxay la mid noqonaysaa “Dubihii Tumaalka ama Hangoolkii Geeljiraha.”Waayo tacliintii waxay noqotay badeecad cid waliba ka ganacsato oo aan weligeed expire noqoneyn. Tacliintii waxay noqtay shay aan caqliga ardayga kobcin karin oo aan kalsooni iyo iimaan sugan liqsiin karin. Tacliintii waxay noqonatay mid aan ku fadhiyin fikir, fahmoiyo fasiraad qoto dheer, mid aan ku fadhiyin caqli iyo cilmiribanoo cid walibana sheegato shahaadada ay doonto. Bulsho kasta baa’ba’eedu wuxuu ka bilaabmaa marka aqoonta, cilmiga iyo caqligeedu uu maqaar siibto waana taa xaalada ay maanta ku sugan Tacliintii sare ee Somaliland. ” waana iyaga iyo Allahood ” !
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London