konfur afrika Xisbiga Talada Haya Ee Koonfur Afrika Oo Lagaga Adkaaday Natiijooyinka Hordhaca Ah Ee Doorashooyinka Dawladaha Hoose

Iyadoo la filayo in maanta ay soo baxaan natiijooyinkii ugu dambeeyay ee doorashooyinka dawladaha hoose ee dalka Koofur Afrka, ayaa waxaa caddaaday in xisbiga haya talada dalkaasi ee ANC ay ku dhacday guul-darro baaxad leh.

Xisbiga waxuu illaa iyo hadda qirtay in looga adkaaday doorashooyinkii ka dhacay magaallada Port Elizabeth.

Waxaa magaaldaasi guulo ka soo hooyay xisbiga mucaraadka ee Democratic Alliance oo sidoo kale ku guulaystay magaalada Nelson Mandela Bay.

Xisbiga ANC wuxuu hadda isku dayayaa in uu xajisto magaalada Johannesburg iyo caasimadda, Pretoria.

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa xisbiga ANC waxuu wali haystaa aqlibiyadda codbixinta guud ahaan dalka,taas oo wali ka dhigaysa in uu yahay xisbiga ugu awoodda badan siyaasadda dalka Koofur Afrika.