Maamulkii Ururka Suxufiyiinta G.Gabiley oo is Casilay iyo Sababta Keentay iscasilaadooda

Gabiley(GNN)Maamulkii Ururka Suxufiyiinta G.Gabiley oo is casilay kadib Markii Ay isku Khilaafeen Tobobar ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ku Qabanayeen Casimada somaliland ee Hargaysa Taa Soo Ay la Soo Xidhiidheen Qaar Kamida Masuuliyiinta Solji Mid Ka Mida Suxufiyiinta Gabiley oo Aan Maamul iyo Gudi Midna Ku Jirin islamarkana uu is Qoray Isagu Tobobarkaasi isaga oo Aan La Socod Siin Maamulka Ururka, Dhamaan Gudida ururka, iyo Suxufiyiinta Kale ee Ka Hawlgala Gabiley oo Hore Ugu Bahoobay Urur Ay Ugu Magacdareen UDAN .

rr
Taasina ay Keentay inay Iska Casilaan Maamullkii Ururkaasi islamrkana Tariikhda 20/08/2016 Laga Bilaabo Aan Jirin Wax Urura oo Ay Ku Bahoobeen Suxufiyiinta G.Gabiley .

Shabakada Warka ee Gabileynews oo isku Dayday inay Wax Ka Waydiiso Mamulkii Hore ee ururka Suxufiyiinta G.Gabiley oo Kala Ah Gudoomiye Cilmi Maxamed Jamac, Gudoomiye Ku Xigeen Maxmed Xasan Sh Maxamed Juba , Xoghayaha Ururka Mukhtaar Nuux ibraahim , iyo Af Hayeenka Ururka Cabdi Cabdilaahi Daahir oo Aanu Wax Ka Waydiinay Arintani Keentay Inay Iska Casilaan Xilkani Ayaa Sheegay In ay Marar Badan Soo Noqnoqotay Arintani Maanta Sababtay Inaanu iska Casilo Xilka Waxayna Intaasi Ku Dareen in Ururka Saxaafada Somaliland Ee solja Uu Caadaystay In uu Shaqsiyaad Gaar ah Uu U Adeegsado Burburinta Saxaafada Gobolka Gabiley .
Kuwaasi Oo Aan Haba Yaraate Waxba Ka Ogayn Baahida Iyo Xaalada Ay Ku Suganyihiin Saxaafiyiinta Gabiley Taasi Oo ay Marar Kala Duwan Ay Waji Ku Macaash ah Ugu Qadhaabtan Magaca Bahda warbaahinta Gobolka Gabiley
Ujeedka Ugu Waynina Ay Tahay In Aanu Ururka Solja Aanu Wax Xil ah Iska Saarin Horumarinta Saxaafiyiinta Gobolkani Maadaama Oo ay Solja Tahay Ururka Ka Masuulka ah Hormarinta Iyo Tayaynta Aqoonta Saxaafiyiinta somaliland Guud ahaanba.
Waxanay Solja Ay Halkii ay Uga Faaidayn Lahayd Ee Ay Saxaafada Gobolkani Gabiley Ay Qayb Tooda Kasiiin Lahaayen Tababarada Kala Duwan Ee ay Bixiso islamarkaasina ay siiso Saxaafada Kala duwan ayaa Waxay Bahda Saxaafada Gobolkani Gabiley Ugu Badashay Kala Qaybinta Iyo Burburinta Saxaafiyiinta Gobolkani Waana Mida Taasi Keentay In Aanu iska Casilno Xilkani .Sidaa Wax Yidhi Mamulka Ururka Suxufiyiinta G.Gabiley
Gabiley.net
Gabiley Office