Maansada Ma Fashilan-to Daacadi

Ka dhacay golihii baarlamaan-ka ee warbaahintuna lalisay Fashilaad aan mid ka xumi ina soo marin

8 / 8 / 2016MAANSADA MA FASHILANTO DAACADI
Keene iyo kordhiyye
KEENE . waaryaa kordhiye saaxiib ma daa wanaysay wixii
Ka dhacay golihii baarlamaan-ka ee warbaahintuna lalisay
Fashilaad aan mid ka xumi ina soo marin ayaa ka dhacday
Bal saaxiib maxaad igu koprdhin lahayd?
KORDHIYE . Saaxiib horta waxa aan kuu sheega-yaa
Wasiiradan kala hadlay hadday daaca yiin may fashileen
Manay kala hadleen
Waxa kaloo jirta in aanu sacad dhegaysanba waxay SAMSAM
Ku hadashay laakiin sidii runtu ahayd ee maskaxdu sidday
Ayaa afkiina siidaayay qudhiisu wuxuu ku hadlayay muu ogayn
Waa mucjiso meesha ka dhacday iyo sida aanu ujirin qorshe
Midaysan oo xukuumaddani ay ku socotaa aanu jirinBalse
arrinku yahay sidaynu wax u boobnaa tiina aqoon yaraan
Ayay ku gelayaan dabeetana way fashila-yaan
IMMIKANA WAA AFARTII.
MAANSADA . ma fashilanto daacadi
Ma mudhbixiyo geeraar haddaan
Moora ii qabane
Maroor iyo kolkii ya qalooc
Qolo ku meermeer-to
Maskax daydu way odhan taqaan
Kii munaasiba-he
Ma fashilanto daacadi-ye
Tuugta waa meheradoodiiye
Halka manta ay taagan yiin
Maamulada caalam
Miisaan ka loo wada tashado
Maqalka xoogaysan
Sida shacab-ku uga maaran yahay
Kii mushkilad geysta
Mayadoodu ay baawar ta hay
Hela muraad kooda
Millarei bileys yaanay noqon
Inay muquun shaane
Iyagaa mid kii aanay rabin
Miiska soo dhiga,e
Bal maleeya teenana halkay
Xajo miranayso
Musuqay ku faanaan dhammaan
Kii mas,uul ihi ye
Malaayiin cunaa sii dallaca
Maalma dabadoode
Inta maylka aan kala fognahay
Waa mudada dheere
Madaarada ninkii wada lunsaday
Waa kan madax-tooyo
Boob-kuu marsaday yuu ku koray
Meelahaa sara.e
Isagaa muduciyoo haddana
Qaar maxkama-dayne
Macdanteena kii dhoofsadaan
Meeday ruux odhane
Buuraheenan midabaysa-nee
Malabku uu buuxo
Mawjadaa badweynee kaluun
Hoosta mulac yeeyo
Inta ciid madaw ee iyana
Midha ka beer seegtay
Miyi xoolahoodaan daryeel
Cidi ku muunaynin
Intaa gabaygu maray waa runaan
Mala ku duugnayne.
Afartaa malyuun-baa bakhtiya
Waa mur iyo qaaq
Mooyida lawada saran yiyo
Macanga-yaal qooqan
Masaakiin-tan qaniyee haddana
Aad u macaluul-san
Madax-weyne daacada ayay
Mahadin laa yeene
Maaleey qadhaadh iyo ku waa
Dacarta mud siiyay
Macbuud kaa ka qaban oo dhowaan
Way masaxan yiine
Badan-baa xisaab loo muddayn
Maalkan uu helaye
Badan baa madheeriyo la geyn
Meesha edabeede
Badan baa waxay muudsadeen
Uu marraaq geline
Wixii meydka badan loo huree
Moodna la gu waayay
In madhaaciiyaal uu xukumo
Waa masiibada,e
Mahadna (ALLAA )iskale
Guuleed liibaan snm1710@livecom
*********************************************************************
Gabiley.Net marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.Net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga