Maayarka Gabiley Ayaa Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa Iyo Ka Shacbiga Reer Gabiley Waxa Uu Hanbalyo U Diray Orodyahanka Caanka ah Ee Mo Farah

Gabiley (GNN) Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa Iyo Ka Shacbiga Reer Gabiley Ayaa Waxa Uu Hanbalyo Iyo Bogaadin U Diray Orodyahanka Caanka ah Ee Mo Farah
Uguna Hanbalyeeyay Guusha Uu Kasoo Hooyay ORODKA 5000 METER islamarkaasina Si Adag Logu Tartamay Kaalinta Koowaad
Iyadoo Uu Mo Farah Markale Ku Guulaystay Orodka 5000 METER
Dhambaalkan Uu Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi Uu Nasoo Gaadhsiyay Ayaa U Dhignaa Sidan
Anigoo Ah Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Kuna Hadlaya Magacayga Iyo Ka Shacbiwaynaha Reer Gabiley
Waxan Halkan uga Hanbalyaynayaa islamarkaasina Aan Hanbalyo iyo Bogaadin Aan lasoo Koobi Karin U Dirayaa Orodyahanka Caanka ah Ee Mo Farah Oo Ah Nin Asal Ahaan Reer Somaliland Gaar Ahaana Ah Reer Gabiley Islamarkaasina uu Dalka Cariga Ingiriiska Ee Wadanka Britan uga qayb galay ciyaaraha Olompicada.
Waxanan Ugu Hanbalyaynayaa Guusha Uu Kasoo Hooyay ORODKA 5000 METER Oo Si Adag Logu Tartamay Kaalinta Koowaad
Iyadoo Uu Mo Farah Markale Ku Guulaystay Orodka 5000 METER
Maxamed Faarax Oo loo yaqaan Mo Farah ayaa Sida Aynu Wada Ognahay bishan waxa uu soo hoyay guushii labaad kadib markii uu maalmo ka hor ku guulaystay orod intaan ka dheer, kaasi oo uu ku qaatay bilad dahab ah.
Isagoo Orodka tartanka 10,000 Ee meter Uu ku guulaystay waxayna tani U Noqonaysaa Guushii labaad mudo ka yar 11 bari.
Waxanu Ku leenahay Hambalyo Maxamed Faarax Shacbi Iyo Masuuliyiinba waxnu Kusoo Ducaynaynaa

Si Kastaba Ha Ahaate Mo Farah Oo Ah Orodyahanka Caanka Ee Wadanka Britan uga qayb gala ciyaaraha Olompicada.Ayaa Ah Nin Reer Somaliland Kana Soo Jeeda Deegaan Ahaan Gobolkani Gabiley
iyadoo Maamulka Magaalada Oo Uu Hogaaminayo Maayarka Maxamed amiin Uu Gabiley Ka Hirgalinayaa Dhismaha Garoonka Casri ah Oo Logu Magac Daray Orodyahanka Caanka ah Ee Mo Farah Garoonkasi Oo ah Mid Casriya Oo Aan Hore Noocisa Loga Hirgalin Gabiley Iyo Qaybo Badan Oo Kamid ah Gobolada somaliland
Gabiley.Net
Office Gabiley