Madaxtoyadda Somaliland: Cadaalad-Daraddii Qarniga…..Q: 2aad

Maqaalkii hore waxaan akhristayaasha aan u balan qaaday in ay heli doonaan

taxane socon doona oo aan ku soo bandhigo cadalad-daraddii ka dhacday

madaxtoyada Somaliland ee la iiga hor istaagay shaqo aan ka hayay qasriga,

waxaana hor istaagaa ka danbaysay haweenay mansabkay ay madaxtoyadda ay ka

haysana uu yahay agaasinka madaxtoyada Somaliland oo lagula dul dhacay .

Dhacdadan oo bar bilawgeedu uu ahaa sanadkan aynu ku jirno 2016 horaantiisii oo

isla sanadkaa bilawgiisii madaxwayne siilaanyo wuxuu xilka agaasime guud uu

magacabay gabadh la dhaho khadra xaji gaydh oo iigu timid shaqada xafiiska.

Maalin maalmaha ka mid ah anoo fadhiya xafiiska oo goor sheegtuna ay ahayd

11:30 ee maalin-nimo oo aan shaqada ku jiro ii yimid mid ka mid ah agaasime

waaxeedyada madaxtoyadda ( Agaasimaha maamulka iyo shaqalaha ) oo wata

amar iyo canaan oo aanu galabsan oo lagu soo yidhi ninkaa ka jooji shaqada

waxaana amarkaa soo bixisay agaasime khadra x. gaydh, ma aan helin wax warqad

ah oo shaqo joojin ah iyo wixii shaqada la iiga joojiyay waxanan aan xaq u lahaa in

la i tuso oo la i taabsiiyo wixii aan kharibay marka la igu helo khalad aan

sameeyay waa sax in la in anshax mariyo oo la iga guto wixii uu sharcigo

dhigayo lakiinse waxaa ii cuntami wayday ficil foosha xun ee agaasimaha guud uu

ku kacay ee ahayd ma arki karo ninkaa ka saara shaqada oo ka joojiyay .

Agaasimaha guud ee madaxtoyadda Somaliland markii xilka loo magacaabay iyo

intii ka horaysay wax godob ah oo naga dhaxaysay may jirin oo aanu kala

tirsanayn wax aqoon ah oo buuxda iskumaanu lahayn muuqaal ahaan mooyaane ,

markaanu dib u raacnay tariikhda jad ka jad ( awoow ka awoow) waxaanu waynay

godob iyo xafiiltan hore u jiray waxaanu garan waynay cudurka iyo xasadka intaa

leeg ee jira ee muwaadin aan danbi galin shaqadiisa looga hor istaago.

Waligeedba waxaa soo jiray waxa loo yaqaano xasadka ilaa anbiyaddii uu alle soo

diray waa la xaasidi jiray oo dad qaloocan umadda lagama waayo ana waxaan ka

mid ahay dadka xasadku ku dhacay ee alle la jiro, xaasidna ma aflaxo.

Shaqalaha sanadkaa aanu wada bilawnay shaqada ayaa tiradoodu dhamayd 11 qof

oo ka koobnaa wiilal iyo gabdho oo saami siman ahaa oo cid walbana lahaa

intoodiiba way shaqeeyaan, waxaan akhrisyasha aan u balan qadayaa in indhaha

aan idiin saaro liiska shaqalihii aan ka midka ahaa waxaanad heli doontaa wiiga

soo socda magacyadooda iyo haybtooda.

Ciddii Aan u Tabiyay Dacwadaydda:

Markii ay dhacday xasaradaasi intaa leegi waxaan ana dacwadaydii aan u gudbiyay

cidii ay khusaysay oo ahayd wasiirka madaxtoyadda Somaliland maxamud xashi

cabdi iyo marwada qaranka amina sh maxamud jirde, ugu horayntii waxaan ku

horaynay wasiir maxamuud xashi oo aan u diray niman masuuliyiin ah oo kala

hadla tacadiga intaa leeg ee ka dhacay wasarada uu maamule?..in kastoo wasiirku

uu badi ka maqan yahay wasarada isaga oo ku maqan hawlaha qaran oo

helitaankiisu uu yar yahay mashquul badan uu ku jiro waxaa suurto gashay in

ciddii aan u diray wasiirka ay kulmaan ayna u bandhigeen wixii ka dhacay goobtaa

wasiirku wuxuu qiray oo uu hadalkiisu ku koobay oo uu yidhi “ Booska shaqo

waxaa dhexda iskaga duubtay agaasimaha guud khadra xaji ana ma rabo in aan

arintaa kala hadlo” intaa ka dib waxaa meesha ka cadaatay in wasiirka iyo

agaasimuhu aanay isku san banaanayn oo midna midka kale hawshiisa aanu faro

galin galin…intaa kagamaan hadhin waxaa markii xigay haddana odayaal iyo

salaadiin aan u diray marwada qaran Amina Sh Maxamud Jirde Anoo cus ganaya

maahmadii somalilada ee ahayd “Meel Madaxda Kasaraysa Oo La Taabtaa Ma

Jirto”…….waxaad la soco cadadka danbe wixii dhacdooyin iyo hadaladdii dhex

maray marwada qaranka iyo salaadiintii aan u diray.

Lasoco qaybta danbe……………….

Qalinka: Kamaal Sheekh Ismaciil