Madaxwaynaha Somaliya Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Gaalkcayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada guuldarrooyin culus oo ku habsaday awgeed ay doonayaan inay gummaadka shacabka u adeegsadaan muujinta saamayntooda.

Madaxweynaha oo ka hadlayay weeraradii waxashnimada ee Axadii argagixisada ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo dad u badan shacab ay ku dhinteen, ayaa sheegay inay dagaalka sii wadi doonaan.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dadkii shahiiday
ay noloshooda qaaliga ah ku waayeen iyagoo dalkooda iyo shacabkooda u adeegaya, isagoo Allah uga baryey inuu naxaristii janno ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo shacabka ay ka geeriyoodeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha Ilaahay uga baryay dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada ah inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeen Madaxweynaha waxaa uu faray laamaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo haatan maraya weji gebagabo ah.

Sources: Universal Somalitv.