Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socday dalka Jarmalka Iyo Nuxurka Qodobadii Ay Ka Wada Hadleen

Muqdisho(GNN):-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay wefti ka socday dalka Jarmalka.

Weftigan ka socda dalka Jarmalka oo uu hogaaminayey agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada dalkaasi u qaabilsan arimaha dalalka Afrika ee ka hooseeya saxaraha Georg Schmidt ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay madaxweynaha somaliya oo ay wehelinayaan masuuliyiin ka tirsan madaxda dawladu.

Muqdisho_Somalia_&_Jarmalka (1)

Muqdisho_Somalia_&_Jarmalka (3)

Madaxweynaha somaliya iyo weftiga ka socday dalka Jarmalka ayaa ka wada hadlay arimaha doorashada, dib u dhiska ciidanka somaliya, amniga gobolka geeska Afrika, qaxoontiga soomaalida ee la doonayo in dib loogu soo celiyo dalkooda iyo soo noolaynta lahaa mac-hadyada lagu dhigto

Kulan_Muqdisho_Somalia_&_Jarmalka (2)
farsamada ee ka jiray dalka soomaaliya. Hogaamiyaha weftiga ka socday dalka Jarmalka danjire Schmidt oo isna ka hadlay kulanka ay wada qaateen madaxweynaha soomaaliya ayaa sheegay inuu soomaaliya u rajayno nabad buuxda, waxaanu tilmaamay in dalkiisa qaadan doono kaalinta kaga haboon horu marka soomaaliya.
Kulanka madaxweynaha soomaaliya iyo weftigan ka socda dalka Jarmalka ayaa ku soo beegmay wakhti la shaaciyey jadwalka ku saabsan sida ay u dhacayaan doorashooyinka dadban ee dalka Soomaaliya.
Gabiley.Net
Office Gabiley