Marwada Qarankeena Marwo Aamina Waris, Astaantii Horumarka. W/Q-C/naasir Guray Meecaad.

Hargeisa(GNN):-Dumarku waa Doorka noloshoo,Dumarku waa Doorka nabadoo”(Hees).
Marwada Koowaad ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland,Marwo Aamina Sh Maxamed Jirde(Aamina Weris),Oo ah Marwada Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),Ayaa waxaynu si cad u odhan karnaa,Waa Astaanta Horumarka Dalka, Inaga oo Adeegsanayna Xikmadda Tidhaahda,Nin Kasta Oo Horumar Gaadha waxaa Gadaashiisa joogta Gabadh.
Mar waraysi lala yeeshay Marwo Aamina Weris ayaa waxay si faahfaahsan uga hadashay,Qaybo badan oo nolosheeda ka mida,Waxaanay Marwadu kaga hadashay nolosheedii Qurbaha,xiliyadii ay ugu Farxad badnayd iyo xiligii ay ugu naxdin waynayd,Wakhtigeedii waxbarasho iyo ku soo noqoshadeedii Dalka.Runtii wuxuu Wareysigaasi Dibadda soo dhigay,Shaqsiyadda dhabta ah ee Marwo Aamina Weris inay tahay gabigeeduba Qof ku Astaysan Horumar iyo Guul.

Marwadu waxay ahayd hablihii ugu horeeyay ee wax barta,waxaana waxbarashadeedii loogu Qaaday dalka ingiriiska halkaasi oo ay ka baranaysay Nursinka,hadaba markay dalka ingiriiska gaadhay ayaa waxay 18bilood A Level Oo ah waxbarasho ay qaataan ardayda galaysa jaamacadduhu,ka dib waxay bilowday waxbarashadeedii jaamacadeed, taasi oo ay ku soo diyaarisay Takhasuskeeda Umulisanimo iyo kalkaalisonimo,Taasi oo ku qaadatay inay ku dhamayso Shan Sannadood iyo Badh,Ka dib waxay ku soo noqotay Xamar,Waxaanay ku xigeen u noqotay Gabadh Austrelian ah.
Iyada oo ay nolosheedu halkaa marayso ayaa waxaa Qalliin lagu sameeyay Walaalkeed Cali SH.Maxamed Jirde oo Maalqabeen ahaa,Waxaanay la Wareegtay shaqadii walaalkeed.
April,1969 waxay is guursadeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)oo wakhtigaas Dawladdii Soomaaliya ka ahaa Agaasimihii guud ee wasaaradda Qorsheynta,Iyada oo lixbilood guurkooda ka dib uu noqday Wasiirka Qorshaynta.
Cadaadiskii Rajiimkii ciidamada Siyaad Barre ku hayeen dadkii reer Somaliland,Aamina iyo Caruurteedu waxay u guureen London,Intaas ka dib waxay sii wadatay jaamacadeedii iyada oo shahaadada labaad ee jaamacadda(Master)ka diyaarisay waddankaasi shaqana ka bilowday,Aamina waxa ay wakhtigaasi si weyn uga qayb qaadatay Halgankii dalka lagu xoraynayay,iyada oo ka mid ahayd Dumarkii Qurbo jooga ahaa ee dhaqaalaha iyo taakuladda ka soo ururin jiray dibadaha.
Ka dib markii dalka lagu soo noqday Aamina waxa ay noqotay gacanta midig ee madaxweynaha Somaliland (2010 ilaa hadda)waxay ahayd dadkii halganka dheer u galay sidii uu ugu guulaysan lahaa jagada Madaxweynenimo,Muddo sideed sanno oo uu gudoomiye xisbi mucaarad ahaa,waxay ahayd garab barbar taagnaa ee aan ka nasan hawlaha halganka tallada dalka lagu gaadhay.
Marwo Aamina Weris,ka dib markii uu Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ku guulaystay jagada madaxweynenimo 26june 2010 isla markaana la wareegay 27july 2010,waxay ay ahayd dadka sida wayn heeganka ugu jira horumarinta bulshadda,iyada oo qaadatay door muuqda oo ah caawinta Agoomaha,sidoo kalena goobaha horumarinta bulshadda ayey si weyn uga dhex muuqatay tan iyo intii xukuumadan uu odaygeedu gadhwadeenka ka yahay ay dhalatay.
Waxaana aanaan marnaba ilaawi karin doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaadatay kobcinta aqoonta saxaafadda oo ay tababaro badan siin jirtay saxafiyiinta dalka oo aanu ka mid nahay,waxaanan leenahay waad ku mahadsan tahay Hooyo gacantii aad saxaafada u fidisay xiligaagii aad hayadaha aan dawliaga ahayn aad ka hawl galaysay,haddana waxaan marti kaaga nahay inaad wax nala qabato.
Yaa igu diidan hadaan si cad u idhaahdo Aamina Weris,Waa Astaanta Horumarka Dalka?.

W/Q:C/NAASIR GURAY MEECAA