Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Iyo Degmada Ujooga Commissionka Qaranka Oo Kufashilmay Qabashada Diiwaangelinta Gobolka Sanaag

Su’aasha kale haday imtixan kusoobaxeen maraa kadhigay afarta beelood?

Commissionka Gobolka Sanag iyo Degmada Ceerigaabo oo kufashilmay Diiwaangelintu maqabankaraan doorasho lagu kalasaarayo kumaanaanka qof ee utaagan Baarlamanka. Iyo tan Madaxtooyada?

Markahore waxaan halkan hanbalyo ugadirayaa komishanka qaranka Somaliland oo iyagu qabtay hawshii diiwaangelinta Gobolka Sanag kadib markay arkeen tamardaraanta masuuliyiintii Gobolka ujoogey.

Hadaba waxaan maqaalkaygan kooban iskuweydiiyey waamaxay sababta fadhiidka kadhigtay masuliyiintan? Mayihiin dad aqoonteeda iyo waaya aragnimadeeda leh hawshan loo igmaday? Waamaxay sababta loogu magcaabay xilalkan aanay gudankarini? Hadaan iskusoo koobo su’aalahan korkuxusan waxa keliyee ugumuhiimsani waxay tahay dadkani dhamaantood waxay kuyimaadeen hab qabiil iyadoo Ceerigaabo ama sanagba ay udub dhexaad utahay wax layidhaadho afar beelood shaadhna looga dhigo imtixaan qancisa oo dadka looga dhigayo
inay imtixaan kusoobaxeen.

Su’aasha kale haday imtixan kusoobaxeen maraa kadhigay afarta beelood? Maxaa looga waayey reeraha yaryar ee deganka Ku ah ceerigaabo? Wabillaahi tawfiiq SMS

Said Mohamed <xaajismsiciid@gmail.com

********************************************************************
Gabiley.net marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga