Maxbuus Ku Xidhnaa Jeelka Wayn Ee Magaalada Berbera Oo Ku Dhex Geeriyooday Xabsiga Dhexdiisa+Hogaanka Hawlaha Xabsiyada Somaliland Oo Ka Hadlay Iyo Magaca Marxuunka Geeriyooday

Hargeysa (GNN) Wararka naga soo gaadhaya magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil ayaa sheegaya in jeelka wayn ee magaalada berbera uu ku dhex geeriyooday maxbuus ku xidhnaa kadib markii sida la sheegay isagoo qadaynaya uu xanuun kadiso ahi kaga soo booday dhanka wadnaha intaasi kadibna uu u geeriyooday xanuunkaasi.

Marxuunkan geeriyooday ayaa waxa lagu magacaabi jirey Maxamed Caraale Muuse Ducaale.

Hogaanka hawlaha xabsiyada somaliland gaashaanle sare Cumar Siciid oo ay shabakada Baligubadlemedia khadka telefoonka kula xidhiidhay si ay arinkani wax uga waydiiso ayaa ka hadlay dhimashada marxuunka maxbuuska ahaa ee ku dhex geeriyooday xabsiga dhexdiisa,waxaana uu gaashaanle sare Cumar Siciid noo sheegay in marxuunku u geeriyooday xanuun kaga soo booday wadnaha isago qadaynaya,sidoo kalena waxa uu Gaashaanle Cumar Siciid noo sheegay in aanu jirin wax xanuun ah ama xaalad caafimaad daro ah oo hore u hayay maxbuuska balse arinkani ay tahay arin kusoo boodo ah,isagana oona ka dhawaajiyay in arinkaasi ay cadeeyeen xeer ilaalinta iyo dhakhatiirta hogaanka caafimaadka ee ciidanka asluubta waxaana uu isagoo arimahaasi ka hadlaya uu yidhi.

“Hawshaa waxa weeye sida uu taliyaha xabsigu noosoo sheegay,dhakhaatiirta iyo xeer ilaalintun cadaysay in arinka uu maxbuusku u geeriyooday ay arin kusoo boodo tahay,inamo ay ilmaadeer yihiin ayuu la qadaynayay,way wada qadeeyeen,markaas caadi buu ahaa dee saacadiisa ayaa istaagtay malaa waa sida naloo soo sheegay,bukaan hore iyo xaalad caafimaad daro oo haysana ma jirin,taliyuhuna qoraalkooda wuu nosoo gudbinayaa”Sidaas ayuu yidhi Gaashaanle Sare Cumar Siciid

Gashaanle Sare Cumar Siciid ayaa sidoo kale sheegay in marxuunkan geeriyooday ay walaalo yihiin badhasaab ku xigeenka gobolka saaxil, sidoo kalena waxa uu ka hadlay warar sheegaya in ehelada maxbuuskan xabsiga ku geeriyooday ay diideen inay aastaan maydka marxuunka waxaana uu yidhi.

“ Eheladiisii iyo qaraabadiisii ayaa meesha yimi waana la qaday sida taliyahu nosoo sheegay dee naftana inagu ma hayno,tanoo kalena way dhcdaa oo 70 jeer in kabadan ayay nagu dhacday,waxa lay soo sheegay in marxuunka ay walaalo yihiin badhasaab ku xigeenka gobolk saaxil”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gaashaanle Sare Cumar Siciid.

Marxuunkan geeriyooday ayaa La sheegay inuu ku xukunaa muddo 8 bilood ah isaga oo dhawr bilood dhamaystay