Mooshin Quutayaal Qaranku Ku Qasaaray Oo Dheecaankeena Dheefsada ( Gollaha Wakiilada)

BISMILAAI RAXMAANU RAXIIM………..

Walee qaaf u jeedo ah

Qiimahayga kuma rido

Magic waa qasaanade

Walee qado ma dhaafsado

Ninkii beesha qaayima

Qar hadduu ku soo dumo

Wallee ciida kama qodo

Walle qalin daraalaha

Dabni qarankan laga galay

Kama qariyo wadhatada

Wallee qoonta mililka leh

Qaarka sare ma dhaydhayo…. AHU Abwaan gaariye iyo maansadii Qasab kuma Balwayn Karo.

September 2005 ayay ahayd markii aynu u dareernay doorashada golle sharci dajineed oo bedela kuwii saami qaybsiga cahdigii beelaha ku yimi, fardax iyo raynrayn ayey dadku codkooda ku dhiibanayeen waayo waxay rajaynaayeen in wax baddan iska badali doonaan golaha wakiilada oo dalka ay shuruuc iyo qawaaniin horumarineed iyo xeerar sharciba ku soo kordhin

doonaa sidoo kale bulshadu waxay u hanqal taagaysay balan qaadyadii kala duwanaa ee ay dhagahooga ka buuxinayeen xiligii Ollolahooha.

82 Xildhibaanu cusub ah ayaa la dhaaxiyey oo la wareegay taladii Golo-weyna shirci dajinta ee Jamhuuriyada Somaliland tallaabadii ugu horaysay ee ay qaadan waxay ahayd in doortaan shir-gudoon ka kooban Gudoomiye, ku xigeenka koobaad iyo ku xigeenka labaad, muran iyo isqabqabsi ka dhashay ka dib waa la doodtay sadexdaa shir gudoon wallow ay kalafadhigoodii ugu horeeyeyba yooyootameen.

Dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland caruur iyo ciroolaba waa la soo dhaweeyey Xildhibaanadaa Cusub sababtuna waxay ahayd in laga filaayey wax qabad hor leh iyo la xisaabtan caafimaad qaba oo ku jihaysan dhamaan laamaha iyo haayaad kala duwan ee Xukuumada, Dajinta shuruucdii dalku uu baahan yahay iyo qabyo-tirka hadba wixii xeerar iyo qawaaniin ah ee dalka iyo dadkaba anfacaaya.

Nasiibdaro’se taas bedelkeedu wuxuu noqday inay dheef iyo dhaxal wareejin ku maxaafsadaan oo kolba mooshinka la keeno maxaa dhuuni iigu jira xaalkooduba dhaafi waayo ilaa ay bulshadii kalsoonidii kala noqotay laguna naanaysay MOOSHIN QUUTAYAAL, haddiiba aad la sheekaysato intooda baddan waxaad ka dhex arkaysaa inaanay dalka iyo dadkaba dan iyo muraad toona ka lahayn ee ay danahooda gaarka ah ku foogan yihiin oo dhaameel raadis iyo halkaynu maanta dilaalna xaalkooduba yahay, Bulshadii way ku qasaartay oo intii ugu liidatay ayey u cumaamadeen oo xildhibaanimo u doorteen “KUWANI XILDHIBAANO MAAHEE WAA XIL-DHIBAYAAL LAYNU IMTIXAANAY” bulshadeena ayaan Gu u kordha mooyee Garaadba u kobcayn oo aan ka ilbaxayn hadba mid ku guura oo hadhowna dheecaankooda dheefsada.

Haddana ayaan darada maanta ina haysataa ee ugu wayni waxay tahay inay rabaan muddo kordhin kale iyo ku sii negaansho kursi qaranka ay ka qasaariyeen muddo 11 sano ah, waxay rabaan inay la dhamaystaan Madaxwaynihii 3Aad oo xidhiidh ah Waa Riyaale, Silaanyo iyo ka talada la wareegi doona 2017 Haddii rabi idmo, waxay ku mameen horarsiga cashuurta yare ee hooyooyinka bacadku daashaday laga qaado, dhaxal wareejinta dheecaankii dhalaankeena ee ay ku dhiigaysteen ayey wali rabaan inay sii dheefsadaan GARAADKA KA YEELA AYAA’SE KA LIITA TAAS.

Bulshada maanta waxa la gudboon inay fadhiga ka kacdo oo horumarkeeda ka tashado Xil-ceebaysyadaa shaadhka Xildhibaanamo huwana hilfaha loo laabo oo madaxwaynaha qaranka lagu qasbo inuu sidii balantu ahayd Labbada doorasho hal mar wada qabto kana dhabeeyo ka run sheegida saxeexii uu ku duugay go’aankii maxkamada ee ahaa in Labbada doorasho waa ta Madaxtooyada iyo ta Wakiiladee 17/April 2017 si wada jir ah loo qabto oo aan la kala dhantaalin.

Muddane wadaxwayne maanta xagaaga ayey tallo taala oo indha dadkii ku soo doortay aday ku soo eegayaan inaad qalinkaaga, qawlkaaga iyo ficilkaagaba ugu hiiliso ayey kaa rajaynayaa, waxay kaa filayaan inaad meesha ka kiciso nimankaa mooday inay dhaxal u heleen kursi Bulshada dhex u ah oo hadba kii hormuud la moodo loo huro, Madaxwayne waxaanu kaa naawilaynaa oo kaaga fadhinaa sidii gobonimada lahayd ee aanu June/2010 Codka kuugu hiilinay inaad adna maanta Qalinka noogu Hiiliso oo aad ka dhabayso in labbada doorasho mar wadda qabsoomaan ogow go’aanka aad ka qaadato arinkaas taariikhda ayaa xusi doonta oo waa lagugu xusuusan doona ‘NOQO CURAD LAGU TANAADO HA’SE NOQON MID LAGU TALO XUMOOBAY’

Qalinkii: Mohamoud Ahmed Hirsi (Baar-cad)

Contact Number: 0634447924

Email:Mfigo04@gmail.com