Natiijada Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Oo Bari La Filayo In La Shaaciyo.

Waxaana xoghani ay noo sheegeen in wasaaradu ay qorshaysay in ay bari oo taariikhdu ku beegan thay 11-08-2016- ay soo dhajiyaan imtixaanka iyada oo saaka ay sida xogahhani noo sheegeen ay u direen gobolada dalka iyo degmooyinkaba imtixaankii ardayda.Waxaanay xogahani ay intaa ku dareen in sanadkan ay dhaceen tiradii ugu badnayd ee ardayda ah.

Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa iyadu hore u balan qaaday in imitxaanka ay soo dhajin doonto horaanta bishan aynu ku guda jirno balse wasaarada ayaa ku fashilantay mana ay shaacin sababaha dib u dhigay dhajinta imtixaanaadka shahaadiga ah.

Ardayda sanadkan dhamaysay dugsiyada dhexe iyo sare ayaa suga natiijada imtixaankooda, wallow wararku sheegayaan in dugsiyada qaar ay bilaabeen diiwaangalinta ardayda cusub ee sanad dugsiyeedka,