Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley oo Soo Dhaweeyey Gudida Cusub ee loo Magacabay Dhismaha Wadada Aleybaday.

Alaybaday(GNN):-Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Gabiley ayaa soo dhaweeyey Gudida cusub ee loo magacaabay dhismaha Wadada Aleybaday, odayaashan iyo waxgaradkan ayaa ku tilmaamay gudida cusub Gudi Aqoon iyo karti u leh masuuliyada loo doortay.
Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa sidoo kale waxay Gudida cusub u soo jeediyeen in ay si degdeg ah u bilaabaan wadadaas, wadada Aleybaday oo gabi ahaanba joogsatay mudo imika laga joogo sanad iyo lixbilood.
Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley ayaa waxay ku tilmaameen gudidii Hore ee wadada in ay ku guul dareysteen wadadaas madaama oo wadadu haysato Qalabkii dhismaha ee wadada Alleybaday, joogsiga wadada alleybaday ayaa loo aneeyaa inay ku timid arimo siyaasadeed oo ay ka dambeeyeen gudidaasi hore.
Wadada alleybaday ayaa waxa lagu tilmaamaa wadada kaliye ee leh ama u dhamaystiran yihiin dhamaan Qalabkii Dhismaha ee Wadadaasi, balse aan la garaneyn sababaha ay u joogsatey wadadaasi.
Ugu dambayn Odayaasha iyo waxgaradka waxay ku guubabiyeen Bulshada reer alleybaday in ay Hill iyo Hooba la garab joogsadaan Gudidaas Cusub ee loo soo Magacaabay, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen gudidii hore inay si degdeg ah u wareejiyaan xilkii hore u hayeen.
Sidoo kale Odayaasha, Waxgaradka, Ganacsatada iyo Qurbo Jooga Degmada Alleybaday waxa ay ku Hambalyeynaan Wasiirka Wasaarada Beeraha Dr Maxamed Aw Daahir Go’aanii Geesinimada lahaa ee uu dib ugu bilaabay wadadaasi una magacaabay Xubno firfircoon oo aqoon iyo karti u leh socodsiinta Hawsha Wadada ee Danta Guud ah.
Magacyada Gudida Cusub ee Wadada Aleybaday:
1. Gudoomiye: Cabdi Daa’uud Irir ahna Gudoomiyaha Degmada Aleybaday
2. Gudoomiye Xigeen:Mooge Cali Yuusuf.
3. Xoghayaha Guud: Guuleed Cabdi Cabdilaahi(Amaano).
4. Khasnaji : Xaaji Aadan Weyne.
5. Afhayeen : Mukhtar Axmed sheekh Aadan(Mukhtaar Taysa).
Odayaasha iyo waxgaradku waxa ay gudida cusub ilaahay uga baryeen in ilaahay xilkaas u fudeediyo.
Odayaasha iyo Waxgaradka taageeray soona dhaweeyey dib u bilaabista wadadaas waxa ka mid ahaa.
1. Chief Caaqil: Axmed Xuseen Tubeec
2. Caaqil: Cabdi Liibaan Ibraahim
3. Chief Caaqil : Bashiir Yuusuf Cabdilaahi Shabeel
4. Qurbo Joog:Maxamed Maxamuud Xaaji (Liilan).
5. Qurbo Joog: Maxamed Ahmed Cago Dable.
6. Qurbo Joog: Cabdi Bigays
7. Cabdiqani Abiib Maxamuud Samaale
8. Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid
9. Siciid Cabdi Shiil
10. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cali (Cabdi Baxsane).

ALLAA MAHAD LEH.