Real Madrid Oo Maanta Saxaafada U Soo Badhigtay Alvaro Morata Oo Ay Dib Ugala Soo Wareegtay Kooxda Juventus

Real Madrid ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah saxaafada ugu soo badhigtay Alvaro Morata oo ay dib ugala soo wareegtay kooxda Juventus. Real Madrid ayaa dhaqan galisay qodob ugu jiray heshiiskii uu Morata ugu biiray Juventus waxayna horaantii xagaagan kula soo wareegtay 30 milyan oo euros.

Cp5rWEbWEAAlszJ

Real Madrid ayaa heshiiska Morata dhamaystiray intii lagu jiray tartankii qaramada Yurub ee Euro 2016 wuxuuna Morata hore ka galay fasax halka uu markii danbe ciyaartoyda kooxdiisa kula midoobay USA, sidaa daraadeed maanta ayaa noqotay waqtigii si rasmi ah saxaafada loogu soo badhigi lahaa.

Cp5zOBmWYAA9HTP

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa goob joog ka ahaa isla markaana heshiis cusub ka saxiixay Morata iyada oo Santiago Bernabeu ay jamaahiirta Madrid kaga soo qayb galeen badhigii Alvaro Morata. Xidiga ree Spain ayaa markale isaga oo xidhan maaliyada Madrid waxa uu cagta saaray dooga Estadio Santiago Bernabéu.

Cp5zMHoWYAAVZdh

Real Maddrid ayaa markii hore doonaysay in ay Morata faa’iido ka samayso oo ay ka iibiso kooxaha Premier Leaque-ga oo si wayn u doonayay basle ugu danbayn waxay go’aansadeen in uu qayb ka noqdo qorshaha xili ciyaareedka cusub ee Zinedine Zidane.

Cp5rYalXgAAVEyP

Alvaro Morata ayaa sheegay in uu dib ugu soo laabtay gurigiisii wuxuuna xejisan kari waayay oohin isaga oo ay ilmo qoysay. Wuxuuna sheegay in uu yahay taageero Madridista ah isla markaana uu joogo kooxda aduunka ugu fiican.

1471261575_584625_1471265115_sumario_normal

Alvaro Morata ayaa kooxda Juventus ku soo badhigay qaab ciyaareed cajiib ah wuxuuna sabab u noqoday in uu kooxdiisa hadda ka reebay Champions Leaque ee xili ciyaareedkii 2014/15 markaas oo uu Los Blancos marti iyo minan labadaba shabaqa kaga soo taabtay.Morata2

Cp5rXLmWIAEd7df