Shil Baabuur Oo Naxdinleh Oo Saaka Ka Dhacay Wadada Isku Xidha Berbera Iyo Hargeysa.

War deg deg ah oo hada nasoo gaadhaya soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakaddaBurcoonlineayaa sheegaya in saaka subaxii hore uu shil baabuur ka dhacay wadada isku xidha magaalooyinka hargeysa iyo berbera gaar ahaana tuulada Xamaas oo u dhaw magaalada berbera. Waxaan shilkan baabuur uu ahaa isku dhaca laba baabuur oo kala ah gaawaadhiga loo yaqaano Noho iyo gawadhida xamuulka qaada ee loo yaqaano candho-maydle ama waraad. Waxaana sida naloo sheegay shilkan baabuur ku dhintay 4 qof halka saddex kalena ku dhaawacmeen. Dadkan ku dhintay iyo dadkan ku dhaawacmay shilkan baabuur ayaa naloo sheegay inay yihiin dadkii saarnaa gaaadhiga Noha-da. Maydka iyo dhaawaca dadka ayaa sida naloo sheegay la geeyey cusbitaalka degmada abdaal oo ka tirsan gobolka saaxil iyada oo la filayo in goordhaw loosoo qaado cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa.