Shil Gaadhi Oo Xalay Ka Dhacay Badhtamaha Suuqa Wayn Ee Magaalada Hargeysa+Khasaaraha Ka Dhashay.

Waxaana shilkan baabuur uu ka dhacay agagaarka fooqa Imaaratul Khayr gaar ahaan xawaalada Dahabshiil,waxaan labadan gaadhi markii ay isku dhaceen uu sababay in gaadhigii yaraa ee Taxi ahaa dhaco,isla markaana qalibmo.

Waxaana shilkan baabuur ka dhashay dhaawaca hal qof oo ahaa darawalka waday gaadhiga yar ee Taxi-ga ah ee dhacay oo sida naloo sheegay ay xaaladiisa caafimaad aad u cuslayd,waxaana markiibana loola cararay cusbitaalka magaalada hargeysa.halka ay khasaare burbur xoogan ahi soo gaadhay labadii baabuur ee isku dhacay.

Si kasteba ha ahaatee waxa mudoyinkii u danbeeyeyba soo badanayya shilalka baabuur ee ka dhaca gudaha magaalooyinka kuwaasi oo gaysta badanaa khasaare naf iyo maalba leh.

IMG_20160813_023502IMG_20160813_023519IMG_20160813_023530IMG_20160813_023555Log11