SHIRKII GOLAHA DHEXE EE XISBIGA WADDANI OO DIB UDHACAY.

Hargaysa (GNN) Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani ayaa muddo todobaada dib udhacay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu xisbigu soo saaray, oo isagoo dhamaystiran uqornaa sidan:-

War-Saxaafadeed

Iyada oo Guddiga Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI hore u iclaamiyey in shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI qabsoomayo 1-2 October, 2016.

Waxaa lagu war-gelinayaa dhammaan Laamaha dibedda, gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI in arrimo farsamo awgeed dib loogu dhigay qabshada shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI 10-11, October  2016

ALLAA MAHAD LEH

_________________________________

Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcade

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI