SIYAASIGII WUXUU YIDHI MAANSO XIISO BADAN BY HAMSE RIRAASH

Ii jaazabaan idhi( dhirin dhirin dhirin) Aakhiru markaan tago Waa Yeelkadeedee
Waa maanso sawirasa kuwa siyaasiyiinta oo dhan codka siday inooga doonaan hadhow giir u yeeshaann akhris wacan siyaasigiibaa yidhi intuuna xilka helin
Ha is waalinaan idhi
Aayar seexdabaan idhi
Is yar dajiyabaan idhi
Hantideenan idilkood
Ka qaleeyabaan idhi
Heeso qaadabaan idhi
I amaanabaAn idhi (siyaasigeena ha noolaado)
Marka aan xilka hello
Afarta igu shilshilisbaan
Ku asturi xilkoo dhane
Iiyara raxleeyoo
Ii jaazabaan idhi( dhirin dhirin dhirin)
Aakhiru markaan tago
Waa Yeelkadeedee
Is yara canaantoo
Iigu miisabaan idhi
Markaan aado yurubtana
Oo kharash isoo galo
Ileen waan shaqaystee
I shaxaadabaan idhi
Intaa waan dadaalaa
Laylkii istaagaaa
Arimaanaan asteeyaa
Umadaan u sheegaaa.
Waxan aan diyaarshiyo
Kaambaybaynkan eegoo
Ii tumana sacabkoo
Haga daalinaan idhi
Markuu xilka hellay
Ka dib
Wasiir hadduu ashyaa lumiyo
Ha eeg eegin idhi
Cidda aktiisa joogtana
Ha eedayninaan idhi
Cidda arinta haysana
Ha u fiirsanaan idhi
Cunto looma ooyee
Dhalintaan u jeeddana
Hadday amarka diidaan
Dee tahriibabaan idhi
Suudaan qabataan idhi
Sii dhaafabaan idhi
Meelooyin badan Iyo
Badda Ku dhacabaan idhi
Inta diida fiijiyada
Oo doonta muranada
Abaalkooda weeyee
Ma aniga dulsaarka leh?
Sixirbararkan aygee
Umaduna ka qaylo day
Ma anigA ogbaan idhi
Waa axwaasha oo dhanee
I don’t care ayaan idhi
Mar afaraad Iyo mar sadexaad
Igu ceshceshaan idhi
Hamsr riraash

hamse riraash <hamseriraash@hotmail.com
*********************************************************************
Gabiley.net marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga